GOBANNIMO LAMA GORGORIYO
Beri waxa
jirey nin hawl nacayb ku caan baxay oo Coofle Shaqa-diid la
odhan jirey. Xirfad waxa ninkaas u ahaan jirey durbaan yar oo uu
marka aroos la amaamadayo soo qaato oo dadka ku maaweeliyo.
Durbaankiisu waxa uu samayn jirey cod aad u macaan oo dadku aad
u jeclaysto. Tumista marka uu dhammeeyo ayaa cunto iyo lacag
hadba wixii loo helo dhi-baabo loo siin jirey. Quudkiisa halkaas
buu ka soo saari jirey. Galabtii dambe ayuu gaaf la isku arkay
durbaankiisii la yimid. Gamco furan baa lagu soo dhaweeyey,
waxaana laga codsaday in uu gaafka si fiican uga tumo. Muddo aan
yarayn markii uu dayaan iyo diririg dadkii la wada dhacay wadey
ayuu in xamaantiisa laabto oo iska tago damcay. Hase yeeshee «Biis»
iyo ku celi baa dhinac walba ka yeedhay, in uu joojiyana waa loo
og-golaan waayey.
Xafladdii markii ay dhammaatay, ayuu Coofle Shaqa-diid naftiisii
la xanshaashaqay oo yidhi: «Illaa waxa aan ku dhex jiraa waa
shaqo.! Allay lehe waa in aan faraha ka qaadaa.! Hase ahaato e
calooshiisii baa ayaamo markii ay gaajo iyo dar-xumo isugu habar
wacdeen u baaqday. Wuxuu baahi darteed la fekeroba, wuxuu ku
goostay in uu durbaan iskiisa isu tumo raadsado oo halkaas
quudkiisa ka soo saaro. Helitaanka durbaan iskiis u dhawaaqa baa
jarka lagama gudbaanka ah ee qorshihiisa ka hor yimid ahaa.
Maalintii dambe, isaga oo ay talo ku baahsan tahay, ayuu fagaare
nin baarcadde ahi saar ku tumanayey ku soo baxay. Cabbaar kolkii
heesihii ninku tirinayey dhegeystay, dhegaha ku qabsaday
erayadan: Shimbiro geed dheer u baxay Midiba cayn bay cidaa
Codkeeda laga maqlaa Caweyska lagu tuntaa.
Erayadaas markii uu maqlay, ayuu farxad iyo raynrayn cirkaa ula
boodboodey oo yidhi: «Allay lehe waa in aan dhaqaaqaa oo
shimbiro soo qabsadaa oo durbaan iskii u heesa ka dhigtaa.»
Coofle waqti iskama dayicin ee markilba inta uu guntiga dhiisha
iskaga dhigay, ayuu duurka u biyeystay oo shimbiro raadsaday.
Saddex casho ka dib ayuu saddex shimbirood ku guuleystay.
Middood waxay ahayd fiin, ta labaadna galow, ta saddexaadna
gobyahan. Coofle goortii uu shimbirihii ga-canta ku dhigay, ayuu
kolay uu sitey gunta u dhigay oo ma-gaaladii ula dheelmaday.
Gurigiisii markii uu keenay ayuu biyo iyo cunto siiyey, hase
ahaato e farxad iyo riyaaq deeqdii uu u fidiyey kuma aanay cunin.
Galabtii dambe ayaa xaafad gurigiisa u dhaweyd gelbis la-ga
abaabuley. Coofle waxa halkaas uga gacmo haadisey sha-qadiisii
oo uu muddo aan yarayn moogaa. Shimbirihii inta uu biyo cunto
wixii uu u heli karayey siiyey ayuli in ay shaqa-dii loo
rabbaynayey qabtaan ku amray. Yaab iyo amakaag bay shimbirihii
dhabannada la qabteen. Muddo markii la kala aammusnaana galawgii
baa dooddii furay oo yidhi, «Aniga wa. xa la i yidhaahdaa galaw.
Codkayga waxa lagu tilmaamaa. dhiillo geliye. Haddii aan
dhawaaqo waxa la boobaa salabka ee sacab lama tunto. Asal
ahaanba iskay baan ciyaa ee cidi igama hadtiso.» Fiintii baa ku
xigtay oo tidhi, «Aniga waxa la i yidhaahdaa fiin. Asalkaygaba
mar keliya ayaan afka kala qaadaa; waana marka uu roob soo
yeelyeesho. Sidii aad ga-canta iigu dhigtay haba yaraatee
onkodkii ma aanan maqal. maxaa yeelay roobku barxadan bannaan
buu ku hooraa ee ka layada guntooda iyo aqallada gudahooda <ma
soo galo.» Gobyahan baa ugu dambeeyey oo yidhi, «Anigu waxa la
i yiraahdaa gobyahan, noloshaydu asalkeeduba geed guudkii uun
bay ku baxdaa ee daaf cag ma soo dhigo. Ma gabyayo, mana gabyi
doono ilaa aan geedkaygii guudkiisii aniga oo xor ah ku noq-do.»
Coofle markii uu shimbirihii hadal iyo hooyaba kala quus-tay
ayuu isaga oo careysan oodda ka qaaday oo yidhi, «HaddiJ aad
hees qudh ah in aad hoy, cunto iyo biyo hawl yaraan ugu heshaan
diiddeen, orod oo duurkii ku noqda anigu cid ii hees. ta waayi
maayo e.» Shimbirihii inta ay duuleen bay mar wada dhawaaqeen oo
yidhaahdeen:
Gobyahan: Cooflow xorriyad cunto laguma libsado!
Galow: Cooflow cid aan rabin ma heesto!
Fiin: Cooflow ma shaqeyste cidi uma qabaato!
Xigasho: buugga Af Soomaaliga
