Waxaa la saadaaliyey in Qanyare uu ku
iilanayo dagaalka Muqdissho.
Buluugleey, May 25, 2006
Waxaa dhawaan la maqlayey is casilaad ka
soo yeertay dhanka Qanyare, laakiin tafaasiir dheer ka dib waxaa
la saadaaliyey in Qanyare uusan ka badbaadi doonin dagaalada
Xamar oo casilaadu ay ka imaneyso xag kale.
Qanyare ayaa si wanaagsan ugu guuleystey in
beelaha dega waqooyiga Muqdisho uu dagaal dhexdhigo. Dagaalkaas
oo u geystey dadweynahaas qasaarooyin aan xisaab lahayn. Isdilka
la dhexdhigay waxaa ka daran cadowtinimada diinta loo geystey
iyo dadka u ehelka ah. Dagaalka lagu hayo diinta wuxuu gaaray
heer loo adeegsaday dadweynaha hubka laga keenay Itoobiya, taas
oo ah cadowga ugu weyn ee ay leeyihiin reer Muqdisho.
Qanyare guulihii uu ka soo hooyey waqooyiga
Muqdisho ayuu u soo jeediyey dhinaca koofurta Muqdisho. Wuxuu
qorsheeyey inuu dagaal ka dhex rido beelaha walaalaha ah ee
degan koofurta Muqdisho. Dagaalka ka dhacay koofurta Muqdisho
ayaa xoolo tiray taajiriintii Qanyare qasnada u heysey, kalana
tegey guryahoodi fara marnaan. Qaasaraha ka dhashay dagaalkaas
ayaa ah mid bilow ah, culaabtiisuna u sii dhaceyso dhanka
Dayniile.
Dadweynaha degan koofurta Soomaliya ayaa
intooda badan waxey ka soo horjeesteen isbaheysiga Qanyare oo la
dagaalamaya diinta Islaamka. Waxaad moodaa caqligii
madaxtinimada Qanyare oo ku shaqeynayey qaab hogaamiye koox
buracada inuu ka shaqeyn waayey inuu dagaal ka dhex qarxiyo
beelaha walaalahaa ee degan koofurta Muqdisho. Si aan kala har
lahayn ayey dadweynaha degan koofurta Muqdisho ula dagaalameen
madaxda calooshooda u shaqeystayaalka u soo dirsaday Qanyare
iyaga oo aan loo eegin beesha ay ka soo jeedaan.
Koofurta Muqdisho ayaa horay loogu jebiyey
ciidamada Mareykanka. Hadda oo dadweynuhu intii hore uu ka xoog
badan yahay ayaa calooshooda u shaqeystayaal itaal daran oo uu
soo kireystey Mareykanka ayaa isku dayaya meeshii shiikhoodu ku
guuldareystay iney guul dagaal ka soo hooyaan si ay dhuuni ugu
helaan dilka ay u geysanayaan dadka degan koofurta,
islamarkaasna ay u fuliyaan ujeedada loo soo kireystey oo ah
iney dadweynaha ka dumiyaan tiirarka iimaanka, nabada iyo
nolosha ay ku heystaan degaankooda.
Qanyare ayaa shidaal u ah dagaalada
Muqdisho, gurigiisana ka dhigay hoyga dagaalka laga soo abaabulo.
Dagaalka ayaa u socda dhanka Dayniile, waxaana sadaal huban ay
tilmaameysa inuusan sina uga badbaadeyn dagaalka ka dhacaya
saldhigiisa.
Sadaashaas ayaa inta badan waxaa laga helay
sirdoon shisheeye oo gacansaar la leh Qanyare, kuna dhiiriyey
dagaalka uu hogaanka u qabtay ee lagu sii jeediyey inuu la gala
culimada Soomaaliyeed. Inta badan siyaasada sirdoonka ayaa ku
saleysan in la helo sabab lagu dilo madaxda ay adeegsadaan kadib
marka ay natiijo gaaran ama ay u arkaan mid soo wada ceeb iyo
guuldaro foolxun. Sababaha ay u cuskadaan dilka madaxdaas ayaa
waxa ka mida iney cidleyaan marka u dagaalku marayo meel adag
iyo iney isla kooxda ka abaabulaan shirqool qorsheysan oo si
dadban loogu dilo nimanka magacaaban iyadoo abaabulka lagu
xoojinayo qaab u muuqda kacdoon mid ku dhacay, kana dhashay
isdabamarin lagu eedeynayo madaxda go’day. Qanyare ayaa u muuqda
mid ay tirsan tahay maalmaha ka hartay noloshiisa, sida lagu
helay sadaal lagu qiyaasayo inuu ku naf waayo dagaalada ka socda
Dayniile.
Dhiiga laga dhex daadiyey walaalaha degen
Waqooyiga iyo kan laga dhex daadiyey koofurta Muqdisho waa ay ka
heshiinayaan goor ay noqotaba, laakiin masiibadu waxey ku
danbeyneysaa Qanyare iyo hogaamiyeyaasha burcada ee u ku
horkacayo nidaamka madaxtinimo tuug.
