Xubnaha
Baarlamaanka ka soo jeeda bari iyo Baydhabo oo dadaal ugu jira
in dalka la keeno ciidamo Itoobiyana oo hubka ka dhiga Gobolada
Dhexe, Shabeele iyo Muqdisho.
Buluugleey,
March 4, 2006
Waxaa la
filayaa maalinta berito ah in kulankii baarlamaanka ay doodiisu
ka bilaabato magaalada Baydhabo. Qodobada ugu waaweyn ee la
doonayo in go’aan laga gaaro ayaa waxaa ugu horeeya qaadista
cunoqabateynta iyo keenista ciidamo Itoobiyana oo dadka hubka ka
dhiga.
Waxaa kaloo
keyd daboolana in codka kalsoonida loo qaado dowlada uu wasiirka
kowaad ka yahay Prof. Cali Maxamed Geeddi oo siyaasadiisu ka
fogaatey mariin habowgii uu u xariiqay Col. C\llahi Yusuf.
Waxaa lagu
eedeeyey dowlada Prof. Geeddi ineysan sameyn wax dadaala oo
Soomaalida lagu heshiisiinayo. Waxaana dadka inta badan ay la
socdaan in Col. C\llahi uu abuuray xaalada cakiran ee ka jirta
siyaasada Soomaalida kadib markii uu hub iyo ciidamaba soo kor
dhoobay duleedka magaalada Muqdisho, isaga oo ku hanjabaya inuu
duulaan ku qaadayo degaanka Muqdisho.
Prof. Geeddi
ayaa hadda dabada la galay dagaaloogayaasha Muqdisho si uu uga
horyimaado haddiiba uu ka soo baxo shirka baarlamaanka ee ka
socda magaalda Baydhabo wax ka soo horjeeda dowladiisa.
Col. C\llahi
ayaa shaxdiisa waxaa ka mid ah inuu dhinacna xubnaha
baarlamaanka taageersan uu kula xaajoodo iney dadaal u galaan
beelaha kale xubnaha ay ku leeyihiin baarlamaanka si loogu
ansixiyo soo gelinta ciidamo Itoobiyana, dhinaca kalena wuxuu
doonayaa inuu ku qanciyo xubnaha ka soo jeeda Muqdisho inuu ku
qaldamay siyaasadii uu ugu dhowaadey dowlada Itoobiya.
Ujeedadiisu hadda waa inuu helaa cid reer Muqdisho ah oo u
bedesha kaalintii ay baneeyeen Geeddii iyo Maxamed Dheere. Waxaa
kaloo qorshihiisa ka mida inuu hirgeliyo ciidan shisheeye oo
dagaal la gala dagaaloogayaasha Muqdisho.
Waxaa hadda
inta badan xubnaha baarlamaanka ee ka soo jeeda Bay iyo Bari ay
isku afgarteen in wadanka la soo geliyo ciidamo Itoobiyana, inta
badan aqlabiyada waxaa lagu xisaabtamayo iney ansixiyaan
qodobadaas. Xubnahaas inta badan waxaa wadata Itoobiya, inkastoo
qaar ka mida isbaheysigaas ay ogyihiin kuwa kale ee kaga soo
horjeeda maamulka degaanadooda in iyana ay gacansaar la
leeyihiin Itoobiya. Waxey u muuqataa xooga riixaya isbaheysigan
doonaya in dalka la keeno ciidamo Itoobiyana inuu yahay mid
salka ku haya naceyb qabiil oo loo hayo kuwa degan Xamar iyo
hogaamiye kooxeedyadooda.
Shirka
Baydhabo ayaa u socda shir burburkiisa ay ka shaqeynayaan Col.
C\llahi, Geeddi iyo dagaaloogayaasha Muqdisho, iyadoo qeyb walba
ay ujeedo gaar ah ka leedahay fashilka shirkaas. Waxaa sidoo
kale gadaal doorkooda ka qaadanaya dowladaha Talyaaniga iyo
Mareykanka oo labada kooxood si dadban u kala taageersan.
