Dabinka Dowlada Korneyl
Cabdullahi Yusuf
Buluugleey,
Saturday, September 03, 2005
Waxaa la helay xog badan oo ku saabsan
qorshaha dowlada Korneyl Cabdullahi Yusuf. Waxaa la xaqiijiyey
in korneylku u yeertay aqoon yahano ka soo jeeda beeshiisa oo ka
soo qaxay wadamada reer galbeedka si ay u qorsheyaan dabino lagu
doonayo in siyaasadii lixdameeyadii dib loogu soo celiyo
Soomaaliya.
Korneylka waxaa lagula taliyey inuu isku
wareejiyo aqoon yahanada reerkiisa si meesha looga saaro in
siyaasada dalka aysan ka bixin qorshaha waqtiga dheer loogu
talagalay. Sannadooyinkii lixdanka ayaa waxgarad badan oo ka soo
jeeda gobolka Bari waxey dejiyeen qorshe dalka siyaasadiisa
loogu keli-talinayo. Qorshahaas waxaa ku yimid dhabarjab kadib
dhimashadii Madaxweyne Sharmarke oo dabinkii ay dhigeen ragaas
uu sababay dilkiisa, iyagiina aysan wax badan ka dambeynin oo ay
ku dhaceen dabinkii ay daadsheen.
Korneylku xoog kuma qabsan karo Muqdisho,
lagamana yaabo ciidan Tigreeya iney guul kala kulmaan dagaal ay
ka oogaan caloosha Soomaalida. Waxaa la saadaaliyey in qabqabta
Cabdullahi Yusuf ay ka fog tahay dulaan uu ku qaado magaalada
Xamar iyo degaankeeda. Korneylka waxaa u qorsheysan inuu cabsi
geliyo dadweynaha Muqdisho si ay culaab u saaraan
dagaaloogayaasha xamar iney ku mashquulaan difaaca degaankooda.
Qorshaha daahsan waa in degaanka Jubada ay tahay tilmaanta
tooska ee ujeedada duulaanka dagaalka uu damacsan yahay
Cabdullahi.
Dabinka hadda dhigan waxaa loogu talagalay
Korneyl Barre Hiiraale oo qorshahaas wejigiisa kowaad aan looga
maarmin. Waxaad moodaa in isbaheysi beeleed marka hore lagu
doonayo degaanka jubooyinka in milkiyadiisa lagula wareego, taas
oo Barre Hiiraale ugu muuqan karta door weyn inuu qaato si loo
soo nooleeyo isbaheysigii soo celin lahaa awoodii siyaasadeed ee
beelaha ay tolwadaagta yihiin.
Siyaasada loogu cagajugleynayo Xamar waa in
beelaha USCda aysan helin fursad ay uga fekeraan danaha dadkooda
ku dhaqan gobolada Jubooyinka iyo ineysan milkiyada degaankaas
aysan ku yeelan wax qeyba oo ay ku mutaan tixgelin mustaqbalka
fog. Waxaana cad in beelahaas loo soo riixayo dhinaca Shabeele
oo loogu talagalay iney xuduud noqoto. Webiga Jubba oo mara dhul
hodona, kuna dhamaada degaanka xeebta dekeda Kismaayo ayey tahay
danaha duulaanka Cabdulaahi, taas oo waafaqsan qorshihii ay
dejiyeen siyaasiyiintii sannadihii lixdanka ee ka soo jeedey
gobolka Bari.
Waxaa korneylka arrimahaas ku dhiiri
geliyey inuu heysto dowladaha bixiya hubka la soo geliyo
Soomaaliya, kuwaas oo ay ka mid yihiin Itoobiya, Yemen, Libiya.
Wuxuu dhinaca ka soo horjeeda uu ka heysta xog iyo isagoo ka
aaminsan ineysan jirin dowlado hubsiinaya iney soo iibsadaan
mooye. Fursaduna ay tahay maanta in USCda qeybna lagu
mashquuliyo dhismo dowladeed iyo dhaqaale badan oo soo socda,
qeybo kalana lagu gilgilo dagaal si ay isdifaac ugu mashquulaan.
Dabinada Cabdullahi iyo dadka ku fekerkaa
ay dhigayaan waxaa loogu talagalay inuu ku dhaco Barre Hiiraale
si looga gooyo xiriirka uu la leeyahay beelaha dega xamar,
dabadeedna la marsiiyo mudnaantiisa, degaankaasna uu dib ugu
wareego gacanta Bari. Dagaaloogayaasha Xamar waxaa u qorsheysan
Cabdullahi inuu dhuuni ku kala dilo si aysan u yeelan talo
wadaag.
Siriqda Cabdullahi uu qotomiyey waxaa ku
dhacaya ama Barre Hiiraale ama Cabdulaahi Yusuf, kolba labada
nin waxaa gelaya dabinka waa ninkii siyaasada la ilduufto.
Dr. Saciid Ciise
Maine, USA
saciidciise@aol.com