Dagaal ba'an ee ka
dhacay Ceelwaaq
Buluugleey
April10, 2005
Dagaalkaan aad u
ba'an ee ka dhacay shalay degmada Ceelwaaq ayaa waxaa lagu
soo warramayaa in ay ku geeriyoodeen ugu yaraan 18 qof oo isugu
jirey maleeshiyadii halkaas dagaalameysay iyo dad rayid ah oo ay
haleeshay risaastii labada dhinac oo iska soo horjeeda ay
isweydaarsanayeen.
Wuxuu warku intaas
ku darayaa in dagaalkaan oo la isu adeegsaday hubka nuucyadiisa
kala duwanku ay ku dhaawacmeen in kabadan 20 ruux.
Dagaalku waxaa lagu soo warramayaa in uu
socday mudo saacado ah ayaa ugu dambeyntii gacan ku heynta
magaladaasi in ay la wareegeen mid ka mid ah labadii maleeshiyo
beleed ee ku dirirayay magaaladaasi.
Soomaaliya oo
ilaa hadda aan lahayn xukuumad dhexe ee sugta amaanka in
kabadan 14 sanood.