Garoonka
diyaaradaha Dayniile oo u xiran siyaasad qaladan oo ay u soo
adeegsadeen isbaheysiga la dagaalanka wadaadada
Buluugleey,
April 16, 2006
Garoonka
Diyaaradaha Dayniile oo magaalada Muqdisho u ahaa garoonka ay
inta badan adeegsadaan ayaa xirmay kadib markii maamulkiisu uu
ka leexday habkii uu magaca weyn ku yeeshay oo ahaa inuu
dhexdhexaad ka ahaado siyaasadaha iska soo horjeeda ee ka taagan
magaalada Muqdisho.
Garoonka weyn
ee diyaaradaha iyo dekedda weyn ee magaalada Muqdisho ayaa u
xiran arrimo la xiriira dhinaca siyaasadaha beelaha kadib markii
uu dagaal dhexmaray kooxaha hubeysan ee kala degen waqooyiga iyo
koofurta Muqdisho. Arrintaas waxey fursad u noqotay garoonka
Dayniile oo muujiyey dhaqan miisaaman, kaas oo soo jiitey
heyadaha shisheeyaha, ganacsatada, iyo inta badan dadweynaha
degan Muqdisho.
Garoonka
Dayniile waxaa kalsoonida uu ka heystey dadka dhaawacay markii
uu xaruun u noqday isbaheysatada la dagaalama wadaadada, kuwaas
oo nidaam calooshi u shaqeysatanimo ah ugu adeegaya wadamada
shisheeyaha ee loo dhoofiyo wadaadada, arrintaas oo soo
xasuusisay dadweynaha Muqdisho dhacdooyinkii lagu xiray garoonka
weyn ee Muqdisho iyo tacadiyada uu gelayo xaafiiska gobolka Bari
uga furan la dagaalanka argagixisada oo ay ku shaqeystaan koox
calooshooda la ciyaara oo Mareykanka iyo Itoobiya u gacan geliya
dad masaakiina oo ay soo afduubeen, kuwaas oo ka kala koobnaa
macalimiin dugsi quraan, kuwo ka adima masaajidyada, arday xer
ah, iyo shiikhyada fasira diinta.
Dad badan
waxey qaadan waayeen ishaas dhaqaale ee u furantay magaalada
Muqdisho in si aan laga fiirsan oo qaldan in loo adeegsaday,
dhibaatada arrintaas ka dhalateyna ay ku dhacday dadweynaha
jecel walaaltinimada, kuwaas oo kawada kooban dhamaan rayidka
degan Muqdisho.
Waxaa lagama
maarmaan ah in dib loo soo celiyo adeegii ay ku qanacsanayeen
shisheeyaha iyo dadweynaha degan Muqdisho oo ay si kalsooni leh
uga heli jireen garoonka diyaaradaha Dayniile, kaas oo ugu
shaqeynayey si walaaltinimo leh, macaamiishiisana si
dhexdhexaadnimo leh ugu fidinayey daryeel xurmad leh.
Xoog iyo
siyaasad beeleed wax ku maamulideedu waxey wax ka qaban lahayd
dekeda iyo garoonka weyn ee magaalada Muqdisho oo u xiran
ismaandhaaf siyaasad qabiil. Garoonka Dayniile waa in
maamulkiisa lagu soo celiyo nidaamka furan ee ganacsiga, lagana
madaxbanaaneeyo siyaasadaha la xiriira isbaheysiga oo ka
shaqeynaya xoog iyo dagaal in dadka walaalaha dhaqaalahooda lagu
burburiyo. Awood sheegasho meel ugama banaana nidaamka ganacsiga,
gaar ahaan kuwa la xiriira duulista hawada oo halis u ah in si
fudud loogu waxyeeleeyo gadiidka circa iyo rakaabka saran.
Dhaqaalaha
Dayniile ka soo gelayey duulimaadyada cirka waxey ahayd sharaf
iyo maaliyad ay ku noolaayeen dad badan oo degan Xamar. Garoonka
Dayniile oo aan hadda u xirneyn arrimo la xiriira xoog, waa
inuusan marin jidkii uu ku xirmay garoonka weyn oo Xamar, kaas
oo sabab looga dhigay arrimo siyaasadeed oo aysan muuqan qaab
loo xalin karo.
Garoonka
Dayniil oo ah mid maamulkiisa loo daayey dadka ku nool
degaankaas ayaa dadka intiisa badan waxey ka sugayaan inuu dib
ugu soo laabto hanaan furan oo qanciya dadweynaha ku xiran
adeegsigiisa, taas oo la filayo iney ku imaan karto haddii
maamulka garoonka iyo siyaasada isbaheysaga la kala saaro, lana
kala madax banaaneeyo ganacsiga iyo siyaasada.
