Olalaha
doorashooyinka ee ka socda dhulka ismaamulka Soomali Galbeed
Buluugleey
July 30, 2005
Olole xoogan oo la xiriira dhinaca doorashooyinka ayaa ka
socoda dhulka Soomali Galbeed. Wararka ayaa sheegaya
inay is diiwaan geliyeen lix xisbi oo siyaasi ah, iyo
musharaxiin madax banaan oo loolan xoogan ugu jira sidii ay ugu
guuleysan lahaayeen kuraasta loo tartamayo.Sida la filayo ayaa
dhawaana halkaasi ka bilaaban doonto codbixinta doorashooyinka.
In kastoo ololaha doorashooyinka ay si weyn uga soconayaan
dhulka ismaamulka Soomaalida ee Itoobiya ( Soomaali Galbeed) ayaa dhawaanahaan waxaa dhulkaasi
ka dhacay dagaallo dhib weyn soo gaarsiiyay dadka Soomaaliyeed
ee halkaasi ku dhaqan. Haddabo waxaa la isweydiinayaa in
doorashooyikaasi u dhici doonaan si cadaalad ah
ee gaarsiin karta dadka Soomaaliyeed horumar iyo xornimo.
