Prof.
Geedi oo ah hogaamiyaha keliya oo aan ahayn dagaalooge oo kala
kulmay filanwaa siyaasada Col. C/llahi Yusuf una dhow inuu iska
casilo xilka wasiirka kowaad.
Buluugleey,
February 1, 2006
Prof. Geedi
ayaa xilka wasiirka kowaad waxaa loogu soo xulay miisaan beleed,
kaas oo ah inuu beelaha degan Muqdisho uu u qeyb qaado. Jagadaas
waxey ahayd mid caalamka loogu muujinayey in la qanciyey beesha
ugu tirada badan ummadda Soomaaliyeed. Xeelada nuucaasa ayaa ka
soo jeeda fikirka ay adeegsadaan jabhada Tigreyda oo qowmiyada
Oromada oo ah mida ugu tirada badan dalka Itoobiya xil maqaar
saara iyo magac weyn huwisa.
Ujeedada
rasmigaa ee Prof. Geeddi loogu magacaabay xilkaas waxaey ahayd
in hogaamiyeyaasha hubeysan ee ka jira Muqdisho oo ay isku
yihiin beel wadaaga uu tirtiro siyaasadooda mucaaradka ah,
adduunkana uu ka dhaadhiciyo iney yihiin qowleysato aan mudneyn
in la tixgeliyo awoodooda qabqablanimo oo ay ku heleen
dagaalooganimo iyo qaanuunka dowlada oo ay diidan yihiin.
Profesoorka
ayaa hadda waxaa ku soo baxay siyaasad loogu muujinayo inuu
isgarto in laga maarmay misaanka beeshiisa, taasna lagu cadeeyey
in Col. C/llahi iyo gudoomiye Shariif Xasan ay qaateen go’aan
iyaga u gaara oo aan xataa isaga laga wargelin is kaba daa in
taladiisa la dhegeysto.
Ujeedada
siyaasadan ayaa salka ku heysa in Prof. Geeddi uu la yimaado is
casilaad marba haddii loo muujiyey inuusan wax miisaana ku
lahayn go’aanada culus ee laga qaadanayo siyaasada dowlada
Soomaalida.
Mucaaradnimada Prof. Geeddi ayaa hadda waxey la bilaabaneysa
isbaheysi cusub oo Kismaayo, Baydhabo iyo Bossaso lagu toleynayo,
meesha dadka ka soo jeeda Muqdisho loo qorsheynayo itoobiyaan
iyo ciidamo Afrikaana iney hubka ka dhigaan.
Waxaa dadka
intiisa badan u muuqata in la soo gaaray waqtigii uu is casili
lahaa Prof. Geeddi si uu uga badbaado in sharaf dhac intaas ka
weyn ay kula sii dhaqmaan isbaheysiga cusub ee Baydhabo oo
kuwada mideysan la dagaalanka Muqdisho.
