November
25da ayaa ah maalinta aduunka ee ku beegan ciribtirka u
gacan-qaadida haweenka.
Buluugleey November 24, 2005
November 25da oo ah maalin Qaramada Midoobay ay u
aqoonsatay ciribtirka u gacan-qaadka haweenka ayaa waxaa la
filayaa in dawlado badan si qumaati ah u wajahaan dhibaatooyinka
loo geysto haweenka. Waxaa jirta in dalal badan ay weli haweenka
kula kacaan jirdil,
kufsi, xaqiraad iyo dhac intuba, waxaana uwehliya arrima kaloo
aad u
fool xun ee ka baxsan bini'aadnanimada.
Warbixin cusub ee ku saabsan ku xadgudubka haweenka ayaa
tilmaameysa in saddexdii haween oo dunida ku nool mid ka mid ah
loo gacan qaado. Waxaa kaloo la ogaaday in
gacan-qaadka haweenka loo geysto ku badan yahay gabdhaha ay
da’doodu u dhaxayso 15 ilaa 19 jir.
Haweenka ayaa gacan-qaadka u wehliya dhibaatooyin khatar ee
keeni kara in ay ugu danbeyntii u geeriyoodaan. Waxaana ka mid
ah kufsiga oo maarar badani wehliyaan cudurka dilaaga ah
AIDSka sababana in haween badani ku la’daan.
Waxaa meelo badan oo dunida ka mid ah ka jira in ay xitaa
haweenka la qabo loo gacan qaado oo marar badani dhacdo in
hooyadu lagu hordilo ama lagu aflagaadeysto iyada oo caruurteeda
ay goobjoog yihiin.
Dhibaatooyinka la xiriira jirdilka, kufsiga, qudhgooyada, dhaca
ayaa ah mid si gaar ah u taabaneyso wadanka Soomaaliya oo ilaa
haatan aan ka jirin nidaam dowladeed oo badbaadiya ama sugi kara
amaanka haweenka.
Haweenka oo qeyb weyn kaga jiraan dhismaha mujtamaca ayaan
istaahilin xaqiraad in loo geysto ama wax ka baxsan
bini'aadninimada.
