Professor Cali Maxamed Geedi iyo wefdi uu hogaaminayey oo ka
badbaaday qarax weyn ee sababay dhaawac iyo dhimasho
Buluugleey November 06, 2005
Wefdi uu
hogaaminayey Porfessor Cali Maxamed Geedi ayaa ka badbaaday qarax
miino oo sababay dhimasho iyo dhaawac aad u fara badan.
Professor Geedi oo ku sii jeeday Guriga weyn ee dawlada "Villa
Soomaaliya" ayaa gawaaridii taxanaha aheyd ee galbinayey Professor-ka mid ka mid ah miino ku qaraxday. Waxaana gaarigii siday
professor Geedi iyo wasiirka Arrimaha Gudaha ahna ra’iisal
wasaare ku-xigeenka Xuseen Maxamed Ceydiid uu ku sigtay inuu
qaraxaasi burburiyo markii gaarigii ka horeeyey ay ku qaraxday
Miino.
Warar kala
duwan ayaa sheegaya in qaraxa waxyeelldada ba'an geestay aan
la kala hubin in uu ahaa miino ama bam-gacmeed,
hasayeeshee dhimasho iyo dhaawac aad u fara badan ayey geesteen
ciidamada galbineyey Professor Geedi oo ay si naxariisdarro ah
ugu fureen rasaas, halkaas oo la sheegay in
dadkii ku
dhaawacmay loola cararay isbitaalka Madina ee ku yaala
Waqooyiga Muqdisho.
Wafdiga
Professor Geedi uu hogaaminay ayaa waxaa ka mid ahaa mudane
Salaad Cali jeele, Mudane Cabdalla Deeroow Isaaq, Mudane Maxamed
Cabdi Xayir, iyo qaar kale ee tiradooda lagu qiyaasay ilaa 19 wasiir
oo
ka tirsan dowlada KMG. Waxaa wararku sheegayaan in wasiiradaasi
ay iskaga yimaadeen Jowhar sababtuna la xiriirto warakii uu
dhawaantan saxaafada ay baahiyeen oo uu Col. Cabdullahi Yusuf
ku sheegay inuusan marnaba diyaar u hayan dib-u-heshiisiin iyo
dex-dexaadin dhex marta garabka ka soo horjeeda ee ku sugan
Muqdisho.
Warkaas
dhiillada colaadeed xambaarsanaa ee ka soo yeerey Col.
Cabdullahi Yusuf ayaa dadka siyaasada Soomaaliya indha-indheeya
ku tilmaameen hoos u dhac ku yimid garabka uu Col. Cabdullahi
Yusuf hogaamiyo ee ku sugan Jowhar. Col. Cabdullahi ayaa
hadalkiisa uu khilaafsanaa hab-diblomaasiyeedka lagu doonayo in
lagu dhexdhexaadiyo labada garab ee ku kala sugan Jowhar iyo
Muqdisho.
Socdaalka uu
Professor Geedi wakhti hore ku imaan lahaa Muqdisho oo uu marar badan
hakiyey Col. Cabdullahi Yusuf
ayaa hadda la
rajeynayaa in professor-ka oo haatan ku sugan Villa Soomaaliya inuu
qeyb weyn ka qaato siidii uu iskugu soo dhaweyn lahaa
dadaalka lagu soo afjarayo khilaafka u dhaxeeya labada garab ee
dowlada KMG, waa haddii uu helo fursad uu kula kulmi karo
xildhibaanada iyo wasiirada ku sugan Muqdisho.
