Muqdisho oo laga Qaadayo isbaarooyinka dhantaalay isku socodka
gaadiidka magaalada
Buluugleey,
Juun 4, 2005
Ra’iisal Wasaare Ku xigeenka Dowlada KMG ahna
Wasiirka Warfaafinta Maxmuud Jaamac (Sifir) ayaa maanta shaaca
ka qaaday go’aan ay si wadajir ah u gaareen xildhibannada labada
gole ee ku sugan magaalada Muqdisho. Wasiirka Warfafinta
Maxamuud Jaamac ayaa jaraa’dka u sheegay in shirkaas uu
gudoominayay
Mudane Shariif Xasan oo ah
gudoomiyaha baarlamaanka KMG. Waxaa shirkaas lagu
go’aamiyay in dhamaan isbarooyinka ha noqoto mid
guurta ama mid
degan intuba laga
qaaadi doono magaala madaxda Muqdisho bishan aan ku jirno Juun
7deeda oo ku began maalinta talaadada.
Dadweynaha ku dhaqan degaanka Gobolka Banaadir ayaa
dhib weyn ku qabay isbaarooyinka kala gooyey isku socodka
gaadiidka magaada Muqdisho iyo nawaaxigeeda. Waxey ummadda
Soomaaliyeed go’aankaan u arakaan inuu yahay talaabo qeyb weyn
ka qaadaneysa sugida amaanka magaalo madaxda dalka.
Isbaarooyinka
oo ka mid ah dhaqan xumada ka dhalatay qaran-jabka ku dhacay
ummadda Soomaaliyeed, ayaa intooda
badan waxaa iska leh ama maalgeliya dagaal oogayaalka iyo
ganacsatada, waana xirfada ugu dakhliga badan intii
Soomaaliya ay dowlad la’anta ahayd. Himilada ugu weyn ee
loo qabo go'aankaas waxaa ugu culus garashada qabqablayaasha
dagaalka ay ku waano qaadanayaan in
isbaaradu
tahay caqabad salka ku haysa qaskaka iyo xasilooni la’aanta,
lidna ku ah
nidaamka dawladnimada iyo kala dambaynta.
