Xusida
Sannadguurada Madaxbanaanida Jabuuti
Buluugleey
Jun 27,2005
Dalka
Jabuuti wuxuu madax banaani ka qaatay
gumeystaha Faransiiska bishii Juun 27dii, 1977. wuxuuna
dastuur ahaan ka mid ahaa xidigtii Shanta geesood lahayd, taas
oo astaanta u ahayd mabda Soomaliweyn.
Maanta oo ah maalin si weyn looga qadariyo dalalka Jabuuti iyo
Soomaaliya ayaa madax ka tirsan adduunweynaha waxay kala qeyb
qaatanayaan munaasabada lagu xusayo gobanimada dalkooda.
Geesiyadii dalka Jabuuti oo ay wehliyeen daweynaha Soomaaliyeed
meel kasta oo ay joogeen ayaa halgan dheer waxey u soo galeen
sidii heeryada gumeysiga Faransiiska ay isaga rogi lahayeen,
sidaasna waxey ku naf waayayey geesiyiin qiimo badan ku
dhexlahaa ummadooda sida halyeygii Maxamuud Xarbi.
Markii ay Jabuuti ku guuleysatay madaxbanaanideeda ayaa Mudane
Xassan Guuleed Abtidoon noqday madaxweynihii ugu horeeyey ee ay
yeelato Jamhuuriyada Jabuuti, wuxuuna ku guuleystay doorashooyin
dalkaas ka dhacay sanadkii 1981. Mudane Xasan Guuleed ayaa dalka
Jabuuti ku hagey hogaan nabadeed una horseeday wadanka inuu ku
shaqeeyo siyaasada dhex-dhexaadnimada ah. Intii uu Mudane Xasan
Guuleed dalka ka arriminayay wuxuu dalka Jabuuti ka midnoqday
Ururka Jaamacada Carabta, Ururka IGAD, Ururka Midowga
Muslimiinta, ururka Midiowga Afrika iyo wadamada ku bahoobay
ururka loo yaqaan FrancoPhone ee ku hadla Afka Faransiiska.
Magaalada Jabuuti oo ah caasimada dalka Jabuuti ayaa ah magaalo
ku taal meel isku xirta dalalka Carabta iyo Afrika, waxeyna ku
taal goob istiraatijiyad u ah rugta ganacsiga iyo mariinada
maraakiibta ciidamada oo saldhigyo keyd sahay ka dhigta.
Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa doorashada
madaxweynenimada ku guuleystay sannadkii 1999, wuxuuna ka mid
noqday madaxda Afrikaanka oo miisaanka culus ku leh qaarada
Afrika iyo dalalka Carabta. Wuxuu Madaxweyne Geele saameyn weyn
ku yeeshay siyaasada dalalka Geeska Afrika, gaar ahaan waxaa si
gaara loogu xasuustaa siyaasadiisa dhanka Soomaalida iyo sida uu
ugu dadaaley ka dhaadhicnta shacabka reer Jabuuti iyo
aduunweynahaba sidii ay qeyb weyn uga qaadan lahayeen gacan
qabashada walaalaha Soomaaliyeed ee dowladnimadoodii ay
burburtay. Waxey siyaasadaas miradhalisay markii dowlada Jabuuti
iyo shacabkeeduba ay ka qeyb qaateen dhismihii dawladii
Soomaaliyeed ee lagu soo dhisay dalka Jabuuti. Dowlada Jabuuti
waxay weli daadaal weyn ugu jirtaa gaarsiinta iyo ka
dhaadhicinta dowladaha aduunka dhibaatada Soomaalida dibeda
looga hayo iyo qaabkii Soomaaliya ay u heli lahayd dowlad sugta
amaanka dalka.
Arrintaas waxey marqaati u noqoneysaa sida madaxda Jabuuti marna
aysan u hilmaamin gacanqabashadii Soomaalida ay ka geesteen
xiligii ay halganka gobanimadoonka ugu jireen si ay uga
madaxbananaadaan gumeysiga Faransiiska. Dalka Jabuuti wuxuu
maanta aaminsan yahay in aynan marna illoobi Karin abaalkii ay
u galeen walaalahooda Soomaaliyeed ee kala qeyb galay ka mira
dhalinta xornimada Jabuuti.
Soomaalidu meel kasta oo ay dunida ka joogto waxay maanta la qeybsanayaan
walaalahooda reer Jabuuti oo u dabaaldegeya 28 guurada ka soo
wareegtay madaxbanaannidooda oo ku began maalinta Jun 27keeda.
Waxeyna maanta waxgaradka Soomaalida ay u arkaan xoriyada
Jabuuti midii dib ugu halgami lahayd soo nooleeynta qarankii
Soomaalida ka dumey iyo gaarsiinta dunida codkeeda aan cidina
dhegeysaneyn. Waxaa hambalyo mudan maalinta weyn oo astaanta
gobanimo u ah shacabka reer Jabuuti, taas oo qimo weyn ugu
fadhisa shacabka Soomaalida oo ay kula damaashaadayaan
walaalahooda reer Jabuuti. Waxaa tilmaan gaar ah mudan in
iftiinkaas ka kaahaya dalka jabuuti uu ahaado mid aan ka demin
Geeska Afrika, una horseeda dalka iyo dadka reer jabuuti xoriyad
buuxda oo ay ka gaaraan dhan walba.
