Col. C\llahi
Yusuf oo codsigiisa ciidamada shisheeye u bedeshey codsi loogu
hubeynayo ciidamo u badan beeshiisa.
Buluugleey,
April 5, 2006
Col. C\llahi
ayaa ka codsaday Itoobiya iney kala dhexgasho isaga iyo Maxamed
Dheere. Gartoodana waxaa galay wasiirka arrimaha dibeda Itoobiya
oo labada ninba ku qanciyey iney u hogaansanadaan go’aanada
Itoobiya.
Wasiirka
arrimaha dibeda Itoobiya, Mr. Souyoni ayaa sheegay iney Adis
Sabab ka furayaan safaaradii Soomaaliya, Baydhabana ay u
dirsanayaan ergey wakiil ka sii noqda safaarada Itoobiya ay ku
yeelaneyso Soomaaliya.
Waxaa isi soo
taraya isbedel siyaasadeed oo ka soo baxaya Col. C\llahi, kaas
oo ku saabsan dalbashadii ciidamada shisheeye. Waxaa soo
ifbaxaya in codsigii lagu doonayey keenista ciidamo shisheeye uu
hadda u muuqdo mid isku rogey in Col. C\llahi uu doorbiday inuu
is hubeeyo, sidaas daradeedna uu dhaqaale ugu raadsanayo sidii
magaca booliska iyo ciidamo suga amaanka xaruunta dowlada uu u
isticmaali lahaa.
Dagaaladii ka
dhacay dhawaan magaalada Muqdisho oo ay isaga horyimadeen
wadaadada iyo isbaheysiga la dagaalamayey wadaadada ayaa sabab u
ahaa in siyaasada Col. C\llahi Yusuf ay la soo baxdo wejigan
cusub.
Waxaa u
cadaatay Itoobiya in ay hadda nugul yihiin dagaaloogayaasha
Muqdisho, fursadna ay u tahay Col. C\llahi iyo Itoobiya in
dagaalka Xamar lagu gacan siiyo dagaaloogayaasha si ay iyaguna u
muujiyaan dheganuglaan dhinaca Itoobiya.
Waxaa la
xaqiijiyey in gobolka Bari iyo Itoobiya ay taakuleyn hub u soo
dirtay dagaaloogayaasha Muqdisho. Wax intaas dheer in deeq
dhaqaale oo dhan hal milyan oo doolar ay isbaheysiga
dagaaloogayaasha ay ka heleen ergey wakiil ka ah Israa'iil.
Sidoo kale waxaan meesha ka marneyn in sirdoonka Mareykanka ay
isbaheysiga ka kaalmeeyeen dhinaca xogta dagaalka iyo
dagaalgelinta iyagoo u soo gudbiyey sawiro circa laga soo qaaday.
Col. C\llahi
ayaa lagula taliyey inuu dadaalkiisa ku dhiso ciidamo beeleed oo
aad u hubeysan, kuwaas oo ku mushaar qaadanaya magaca ciidamo
booliis ama kuwo mileteri. Taas waxey fursad u siineysaa inuu
xoog ku qabsado Kismaayo iyo Xamar kadib marka uu xaqiijiyo
iskaashi ay isugu soo dhowaanayaan dagaaloogayaasha hubeysan.
Col. C\llahi ayaa aaminsan ineysan hadda jirin cid ciidan u soo
direysa Soomaaliya ama dhaqaale ku taagereysa dowladiisa oo
hadda qarka u saran in ay burburto.
Waxaa la
helay warar ka soo baxay wadamada reer galbeedka oo ku saabsan
inaan dhaqaale la gelin Karin dowlad uu horkacayo nin horay u
soo ahaa dagaalooge dhiig badan daadiyey, waxeyna wararkaas ay
saadaalinayaan in dowlada Col. C\llahi ay burburi doonto
haddiiba ay sii xoogeysato abaarta ka jirta Soomaaliya, taas oo
ay sabab uga dhigeen hogaan xumadiisa siyaasadeed.
Col. C\llahi
ayaa la filayaa inuu taageero dagaalka hogaamiye kooxeedyada
Muqdisho ay kula jiraan wadaadada si uu si ku meelgaara uga helo
iney dhinaca siyaasada kala jaal noqdaan. Tanaasulka keenista
ciidamada shisheeye ayuu ka dhiganaya qiil uu ku muujinayo inuu
u tanaasuley danaha reer Muqdisho, taas oo aan ahyn dhab waayo
runtii arrintaasa ayaa ah mid uu ugu daneynayo inuu dhaqaalaha
dowlada ku maalgeliyo maleeshiyadiisa intii dhaqaalahaas uu ku
bixin lahaa baada ay ka doonayaan dagaaloogayaasha Muqdisho.
