Dowladda Kenya oo mar kale u digtay xubanaha barlamaanka
dowladda FKMG oo shir ku qabtay Nairobi
Bluugleey Aril 24, 2005
Dowladda FKMG ee Soomaaliyeed ee tan iyo markii la dhisay ku
sugan dalka Kenya ayay Xukuumadda Kenya digniin markale
siisay xubnaha Baarlamaanka Soomaaliyeed ee ku shirayay hoteel
ku yaal magaalada Nairobi. Dowladda Kenya waxay u sheegtey in
xildhibaanada Soomaaliyeed ee shirka ku sugan eysan ku xadgudbin
axdiga u yaal dalka Kenya. Waxay kaloo u sheegtay xubnihaas inay
ilaaliyaan midnimada qaranka Soomaaliyeed.
Taasi waxay ka danbeysay markii xubanaha dowladda FKMG ee
yeesheen kulan ka dhan ah gudoomiyaha barlamaanka iyo xubnaha ku
sugan magaalada Muqdisho. In dhaweydba waxay xildhibaanada
dowladda FKMG ku kala aragti duwanayaayeen markii khilaaf
weyn uu soo kala dhex galay xubnaha ugu sareeya dowldaa FKMG.
Xukuumada Kenya oo ku guulaysatay in ay xirto shirkii looga soo
horjeeday Guddoomiyaha barlamaanka ee dowladda FKMG ee
dhawaantaan lagu qabtay hoteel ku yaal magaalada Nairobi.
Danjiraha dowladda Kenya u qaabilsan arrimaha dalka soomaaliya
ambadidor Maxamed Cabdi Afay ayaa sheegay inay iyagu joojiyeen
shir Jimcihii yeelan lahaayeen qaar ka mid ah xubnaha
Baarlamaanka, wuxuuna sheegay Mr Maxamed Afay in taasi Qatar ku
tahay Qaranimada dalka Kenya.
Wwaxaa
haboon in xildhibaanada dowladda FKMG ay ka waantowbaan wax
allaale wixii khilaaf ah ee burburinayo dowladda lagu soo unkay
dalka Kenya. taasoo laga filayo inay laga filayo inay
beddesho nidaamkii dowladnimada ee burburay mudda laga joogo 15
sanadood.
