Midowga
Maxkamadaha oo ay ku haboon tahay iney xilka ay hayaan ku
wareejiyaan maamulka gobolka Banaadir.
Buluugleey,
April 5, 2006
Maxkamadaha
Islaamka ayaa waxaa la dhisay 1994 si ay magaalada Muqdisho ugu
abuuraan hanaanka garsoorka si ay uga hortagaan dembiyada
burcada hubeysan. Waxaana soo shaac bixiyey oo taageero dhaqale
siiyey dadweynaha degen Muqdisho iyo ganacsatada waaweyn.
Ujeedada loo
abuuray waxaa ugu weyneyd iney sameeyaan maxkamado xakameeya
dembiyada ay geysanayaan maleeshiyooyinka ku dhisan hab
beeleedka.
Midowga
Maxkamadaha ayaa abuurmay, waxeyna maxkamaduhu iska fogeeyeen
dhaqankii beelaha oo ay ku tiirsanayeen iyagoo goono isugu
taagey isbaheysi diimeed, kaas oo salka ku haya siyaasad ku
dhisan wadaadnimo.
Dagaalkii ay
maxkamaduhu dhawaan la galeen dagaaloogayaasha Muqdisho ayaa
maxkamaduhu waxey ku heleen taageero balaaran oo ay dadweynaha
Muqdisho ku dhinac safteen. Arrintaas waxey kicisay kahsi
loo qaaday wadaadada, kaas oo inta badan eed balaaran loogu soo
jeediyey qabiilka ugu weyn beelaha dega koofurta Muqdisho.
Dagaalka
Muqdisho ayaa la qorsheeyey in bartilmaameed looga dhigto hal
beel oo lagu duulo, si taas ay meesha uga saarto xulafeysiga
diinta, dagaalkana lagu soo koobo inuu u dhexeeyo beel ka soo
horjeeda siyaasada dagaaloogayaasha.
Dagaaloogayaasha Muqdisho ayaa bilaabay iney dib ugu
guryonoqdaan beelahooda si ay uga helaan taageero ay u
adeegsadaan iney culaab ku saaraan beesha ay dagaalsan yihiin.
Qeylo dhaanta dagaaloogayaasha waxaa ku soo baxay dalal wata
dano cadowtinimo oo raadinaya fursad ama ay ku xoojiyaan dowlada
Col. C\llahi ama doonaya iney ku burburiyaan xoogaga diimaha
taageersan.
Mar haddiiba
la doortay maamulka gobolka iyo madaxdooda waxaa lagama
maarmaana in midowga maxkamaduhu ay awoodooda ku wareejiyaan
madaxda gobolka Banaadir oo ay masuuliyad ka saran tahay amaanka
iyo garsoorka dadweynaha degan Muqdisho.
Xilwareejintaas ayaa u muuqaneysa guul weyn oo badbaadin karta
danaha siyaasadeed oo ay ka mideysan yihiin dadweynaha reer
Muqdishu, taas oo ay uga soo horjeedaan Itoobiya. Haddii aysan
la iman wadaadadu tanaasulkaas waxey dagaaloogayaasha Muqdisho
ay badayaan iney qoorta u dhiibtaan Itoobiya ama siyaasada Col.
C\llahi oo labaduba ka mideysan in dowladnimada Soomaaliya
laga ilaaliyo shaqsiyaadka ka soo jeeda degaanada bartamaha ilaa
Banaadir. Intii dagaaloogayaasha loo adeegsan lahaa danaha
Itoobiya iyo tan Col. C\llahi waxaa ka haboon in loo daayo
goonida ay u taagan yihiin iyo madaxtinimada ay ku haystaan
degaanada ay isku heystaan iney ka taliyaan.
