Prof. Cali
Maxamed Geedi oo ka hadlay qoddob ku saabsan Gobolka Bari oo
Jamhuuriyada Soomaaliya si ka madaxbanaan heshiis ula galay
Shirkada shisheeye.
Buluugleey, Wednesday, August 31,
2005
Prof. Geedi oo
saxaafadda war ku siiyay magaaladda Nairbi ayaa u goodiyay
shirkad laga leeyahay waddanka Australia oo dhowaantan
heshiis shidaal baaris ah la gashay maamulka Ismagacaabay ee
Gobolka Bari. Maamulkaas iskiis ay u abuurteen beelaha dega
Bari maha mid magaciisa iyo maamulkiisa midna ay aqoonsan
yihiin dadweynaha Soomaaliyeed. Gobolada dalka oo dhana ma
jirto meel ilaa iyo hadda laga sameeyey dhismo maamul
goboleed oo lagu qotomiyey xeerka iyo qawaaninta u degsan
qaranka Soomaalida.
Prof. Geedi
ayaa kaga digey shirkadaha shisheeyaha in aysan la heshiinin
shaqsiyaad qowleysataa oo uu ku tilmaamay in aysan sharci
aheyn. Maamulka gobolka Bari ayaa la baxay magac uu ku
doonayo inuu goonidiis dhinac uga istaago Jamhuuriyada
Soomaalida, waxeyna marar badan intii Col. Cabdullahi Yusuf
uu iskiis isugu magacaabay inuu yahay madaxweynaha maamul
gobeleedkaas uu degaankaas ka raacdeeyey wadaniyiin
Soomaaliyeed ee uu ku tilmaamay shisheeye aan u dhalan
gobolkaas. Sidoo kale ayaa madax beeleedyada ka taliya
gobolkaas ay marar badan muujiyeen in arrimaha dalkooda aan
la soo faragelin iyaga keliyana loo daayo, meesha
siyaasiyiin fara badan oo ka soo jeeda gobolkaas ay ku
doonayaan hanashada maamulka sare ee qaranka Soomaalida,
arrintaasna ay ku noqoneyso caqabad hortaagan wadaaga hal
dowlad iyo hal dal. Madax beeleedyadaas kuwii ugu dambeeyey
ayaa dhowaan heshiis u saxiixay shirkad Australia laga
leeyahay oo baaritaano shidaal ah ka bilaabeysa deegaanadda
Bari.
Gobolka Bari
oo ah dhul uu ka soo jeedo Col. C/hi Yuusuf, horeyna uga
soo ahaa madaxweynaha maamul goboleedkaas ayaa ah dhul
lamadegaana oo aan lahayn kheyraadka xoolaha iyo beeraha,
waxeyna dadka ka soo jeeda gobolkaas had iyo jeer ay
daneeyaan iney isaga guuraan oo ay degaan koofurta
Soomaaliya degaanada hodonkaa. Dadkaas waxey kala kulmaan
soo dhaweyn degaanada ay u qaxaan sida Kismaayo iyo Xamar,
waxaase markasta dadweynaha Soomaaliyeed dhegahooda ku soo
dhacda in dadka ka soo jeeda Bari ay jecelyihiin dadka kale
ee Soomaalida iney la wadaagaan degaankooda laakiin ay
doonayaan koodu inuu gooni iyaga keliya u ahaado.
Dadka ku xeel
dheer arrimaha aragtida ay wadaagaan Col. Cabdullahi iyo
Prof. Geedi ayaa ku tilmaamaya hadalka ka soo yeeray Prof.
Cali Maxamed Geed oo ah canaan ku wajahan Bari iyo shirkadda
Australia uu noqon karo mid xasaasiyad ka dhex abuuraysa
labadda nin, waa haddii Prof. Cali Maxamed Geedi hadaladda
uu ku hadlay oo waafaqsan qeynuunka u degsan xeer qarameedka
uu ku adkeysto. Waxaa hadalka Prof. Geedi ka horreeyay mid
uu jeediyay Col. C/hi Yuusuf toddobaad ka hor mar uu wareysi
siiyay wakaaladda wararka ee Reuters hadalkaasi oo uu
korneylku ku sheegay in uusan kala jecleyn cidii baarta
kheyraadka dabiiciga ee Soomaaliya. Waxaana hadalkiisa loo
macneystay inuu ugu hiilinayo beeshiisa degta Bari oo uu ku
dhiirigelinayo ineysan danahooda cid kale ugu xirmin
Maxamed
amiin, Buluugleey Soomaaliya