Ciidamada Ammaanka Magaalada Kismaayo ee Gobolka J/hoose ayaa
irdaha u laabay xaruntii shirkadda Telefoonada iyo Korontada
Oleympik
Buluugleey November 25, 2005
Ciidamada ammaanka magaalada Kismaayo ee gobolka
j/hoose ayaa irdaha u laabay xaruntii shirkadda Telefoonada iyo
Korontada Oleymbik sidoo kalena waxay ciidamadu xabsiga u
taxaabeen 5 ka mid ah shaqaalihii shirkadda Oleymbik oo uu ku
jiro maareeyaha shirkadaasi.
Arrintan ayaa ka dambeysay sida la sheegay
kadib markii ay shirkaddu Korontadii ka goosatay xarunta
Baranwaa oo saldhig u ah maamulka Isbaheysiga Dooxada Jubba iyo
weliba guriga guddoomiyaha maamulka Dooxada Jubba ahna wasiirka
dib u dhiska iyo dib u dejinta dowladda Federaalka Col. Barre
Aadan Shire Hiiraale.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa xaqiijinaya in
5-tii shaqaalaha aheyd laga sii daayay xabsiga Kismaayo sababo
aan la shaacin, waxaase xiran xarunta Oleymbik oo shalay
gelinkii dambe irdaha loo laabay waxaana warar la isla dhex
marayo ay sheegayaan in shirkadda loo aaneynayo eedeymo badan oo
ay ka mid yihiin qalabeynta ciidamo taabacsan maxkamadaha
magaalada Muqdisho iyo kuwa maamulka Sh/hoose oo la sheegay
inay qorsheynayaan dagaal ka dhan ah magaalada Kismaayo.
Source:
Harardheere
