Ganacsiga Suuqa Bakaaraha Muqdisho oo haweenka ka dhex muuqdaan
Buluugleey
November 19, 2005
Suuqa
Bakaaraha
ayaa ugu weyn suuqyada magaalada Muqdisho, wuxuuna ku yaalaa
Koonfurta Muqdisho. Suuqa oo aad u balaaran ayaa waxaa
durbadiiba indhahaaga qabanayaa dhaq-dhaqaaqa ganacsiga oo
intiisa badan
gacanta
ugu
jirto haweenka. Suuqa oo hawl aan joogsi lahayn kana jirto
ganacsi aan kala go'lahayn ayaa talada maamulka ganacsiga suuqa
u degsan ay haweenku sin toos ah gacanta ugu hayaan. Haweenka oo
aad xariif ugu ah xeeladaha wax-kala iibsiga, dulqaadna u leh
gor-gortanka ayaa ku guuleysta inta badan inay ka macaashaan
waxybaaha ay iibinayaan sida dharka, dahabka cuntada iyo alaabo
kaloo fara badan oo macaamiisha aad u xiiseeynaaan. Suuqa waxaa
lagu kala iibsadaa wax alaale wixii qof bini'aadan ah u
baahanyahay waxaana aad dareemeysaa xoriyada ka maran dalka
Soomaaliya intiisa kale inay ku kooban tahay suuqa Bakaaraha
gudihiisa.
Shirkadaha
waaweyn ee caalamka ayaa iyaguna u beeray wax soo saarka
alaabada indhaha sarcaadka ah ee soo jiita indhaha dumarka
kuwaas oo la ogaadey inay ka macaash badan yihiin kuwa raggu
xiiseeyaan. Taa ayaa waxaa keentay in wax kala iibsiga inuu u
gaar yahyihiin haweenka, raguna
meelna
uga
abanaaneyn
. Dukaamada faraha badan ee ku kala yaal daaraha waaweyn ee
suuqaa Bakaaraha ayaa badankooda la ciir-ciiraya badeecdo
indhaha dadka soo jiita, xitaa hadii qofku uusan ujeedadiisu
ahayn inuu wax iibsado baa ilbiriqsi maskaxdiisu isku bedelsaa
oo isagoon filaneynin buu jeebka gacanta daraa.
Somaaliya
oo aan dawladi nidaam iyo kala danbeyn lahayn baa suuqa
Bakaaraha amaankiisu
yahay
heer
sare . Wuxuxuu suuqu ku dhisan yahay nidaam ganacsi oo xor ah oo
aad moodid inuu kala jaanqadayo nidaamka ka jira dunida xorta
ah. Taana waxaa ugu wacan haweenka oo
lafdhabar u ah
xasiloonida jawiga suuqa suurta geliyeyna inuu ahaado meel ka
dhaxeysa umada Soomaaliyeed.
