Col.
Cabdullahi Yuusuf oo loo diiday fiisaha dalka
Mareykanka si uu uga qeyb galo kulan madaxeedka Qaramada
Midoobay
Buluugleey
August 18, 2005
Dowladda Mareykanka ayaa si
rasmi ah ugu gacan seeyrtay in ay siiso Col. C/laahi Yuusuf
Axmed Viisaha ama dalku galka Mareykanka si uu uga qeybgalo
Shirweynaha iyo xafladaha 60 guurada ka soo wareegatay dhismaha
hay’adda Jimciyada qurumaha ka dhaxeysa.
Xukuumadda Washington oo
diyaar garow weyn ugu jirta marti gelinta madaxda caalamka ee ka
soo qeyb galaya xafladda xuska 60 guuradii ka soo wareegtay
markii la aasaasay Q.M sanadkii 1945 kii, waxaana
xuskaas si rasmi ah
loogu dabaaldegaa Oktoobar 24 ka sannad kasta, ayaa cadeysay in
aaney suurtogal aheyn in madaxweynaha Soomaaliya uu ka qeybgalo
xafladdaha loogu dabaaldagayo aas aaska Qaramada Midoobey oo
lagu wado in ay ka dhacdo magaalada New York bartamaha bisha
September ee fooda inagu soo heysa.
Ilo diblomaadsiyadeed oo
Soomaali ah oo ku sugan Qaramada Midoobey ayaa waxa ay sheegeen
in safaaradda Mareykanka ee Nairobi ay ku gacan seyrtay in ay
siiso Col. Cabdullahi Yusuf fiisaha lagu galo dalka Mareykanka,
iyadoo aan la cadeyn sababta ka dambeysa diidmadaasi.
Warka ayaa waxa uu intaasi ku
darayaa in safiirka Soomaliya u fadhiya Qaramada Midoobay uu
codsaday in uu la kulmo xoghayaha guud ee Q.M. Kofi Anan si uu
ugu booriyo in uu faragaliyo diidmada xukuumadda Mareykanka ee
ku aadan is hortaagida fiiso in la siiyo Col.C/laahi Yuusuf si
uu uga qeybgalo xafladda ay isugu imaanayaan madaxweyneyaasha
caalamka.
Col.
C/laahi Yuusuf ayaa arbacadii todobaadkii hore waxa uu qoraal uu
ku dalbnanayo fiisaha Mareykanka u diray safaarada Mareykanka uu
ku leeyahay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, iyadoo
dalabkaasina ay ku gacan seyrtay safaaradda Mareykanka.
War ka soo baxay dowladda
Mareykanka ayaa waxaa lagu sheegay in sharciyada Mareykanka iyo
brotokoolka ka yaal Qaramada Midoobay ay yihiin kuwo
ismaandhaafsan oo aan arrintaasi khuseyn sida ay qortay
shabakada wararka oo laga leeyahay dalka Jordan (Urdun).
Maxamed Amiin Sh. Cadow
Muqdisho, Somaliya
