Mudane
Qanyare dagaalka wadaadada ka hor wuxuu ahaa xidig ka iftiimayey
Muqdisho
Buluugleey,
March 28, 2006
Mudane
Qanyare ayaa wuxuu si buuxda uga turjumayey fikirka ay qabaan
beelaha degen Muqdisho, kaas oo si buuxda uga soo horjeedey in
dalka la keeno ciidamo shisheeye, ama dadka laga qaado hubka
iyadoo aysan jirin dowlad ay kalsooni ku qabaan, iyo in
ciidamada safka hore loo soo adeegsado iney ka mid noqdaan
ciidamada nabad ilaalinta Soomaaliya.
Laab lakacii
Col. C\llahi Yusuf oo ahaa Muqdisho inuu xoog iyo duulaan ku
qabsado waxaa si buuxda u hor istaagey laguna xasuusta
kaaliintii siyaasadeed ee Mudane Qanyare uu mowqif adag uga
istaagtey fikirka Col.C\llahi.
Dad badan
ayaa qaba soo ifbaxa uu Qanyare si muuqda uga soo dhex baxay
hogaamiyeyaasha kooxaha Muqdisho iney tahay sababta keentay in
Qanyare dagaal lala geliyo wadaadada si ay hoos ugu dhacdo
taageeradii ay u wada hayeen dhamaan dadweynaha degen Muqdisho
looguna soo koobo taageerada gaar ahaaneed ee uu ka helaya
beeshiisa oo keliya.
Kadib markii
ay hoos u dhacday taageerada loo hayey Mudane Qanyare ayaa
Muqdisho waxey raadineysey hogaamiye kooxeed ay siyaasadiisa ka
dhigan karto difaac ay isaga waabiso horornimada Col. C\llahi
Yusuf. Markiiba waxaa soo baxay Maxamed Dheere oo dadweynaha
Muqdisho ugu muuqday inuu buuxin karo kaalintaas bananeed,
nasiib darro kaalintiisa dagaal ee uu kula saftay Bashiir Raage
ayaa meesha ka saartay hamigaas.
Mar kale
ayeey dadweynaha reer Muqdisho waxey indhahooda dib ugu celiyeen
Mudane Qanyare oo u muuqan kara inuu dib u soo ceshan karo
kaalintiisa siyaasadeed ee uu hormoodka ugu ahaa dhamaan beelaha
degan Muqdisho, taas oo imaan karta inuu nabada ku mideeyo dadka
walaalaha ah ee wada degen Muqdisho.
Col. C\llahi
Yusuf oo aysan kuleyl ku hayn siyaasiyiinta Muqdisho ayaa
aaminsan in ciidamo shiheeye ay hubka ka dhigaan dadka reer
Muqdisho, wuxuu kaloo aaminsan yahay in inta uu ka helayo
ciidamadaas shisheeye in hubka ku jira gacnaha hogaamiye
kooxeedyada Muqdisho ay ku hayaan dano qaran, kaas oo ah ineysan
kula dagaalameyn isaga, laakiin ay isku adeegsanayaan iyaga
dhexdooda. Waxaana tusaale loo soo qaatay sida uu uga badbaadey
inuu dagaal la galo dagaaloogaha Jowhar, haddana ay dhacday in
wixii hub ahaa oo gacantiisa ku jirey in uu ku jeediyey qeyb ka
mida beeshiisa oo dagaal dhexmaray isaga oo aan waxba ka hagran
awoodiisa dagaal.
Muuse Suudi
oo ah nin dhaqan la yuur ah ayaan sinaba ugu muuqan mid
kaalintaas buuxin kara isaga oo aan ahayn nin ku wanaagsan
dhismaha xeel siyaasadeed oo door weyn qaadan karta, wuxuuna u
muuqda inuu yahay gabal sii dhacaya kana sii liicaya doorka
siyaasada. dagaaloogahaas siyaasad la’aantiisu waxey ka
horkeentay Cali Mahdi, Caydiid, Cabdiqaasim, wax rajo ahna
lagama qabo inuu la yimaado siyaasad ka caafimaad qabta qabiil
iyo caadada dhaqanka laga sii harayo oo xeerka u ah beelaha.
Waxey dad
badan ay sugayaan in mudane Qanyare uu qaato door ka duwan kuwa
ay qateen dagaaloogayaasha waqooyiga Muqdisho oo hubka u sita
walaalahooda degan Muqdisho, uuna buuxiyo dhaqanka looga baahan
yahay hogaamiye guud oo ah inuu u dagaalomo danaha dadkiisa
intii uu la dagaalami lahaa dadkiisa.
