Col.
Cabdullahi oo Caalamku ka sugayey Iscasilaad oo dib isku Caleemo
saaray
Buluugleey,
Saturday, October 15, 2005
Waxaa xalay magaalada Jowhar
ka dhacday xaflad lagu xusayo maalintii Col. Cabdullahi Yusuf
lagu dhaariyey Garoonka
Kazaraani ee magaalada Nayroobi. Xafladdaas waxaa ka soo
qeybgalay ehelediisa gaarkaa iyo koox
yar oo ka tirsan
taageerayaasha siyaasadiisa ee garabka Jowhar. Sidoo kale waxaa
ka soo qeybgalay wakiilo ka socdey Safaaradaha dalalka Yemen,
Shiinaha iyo Talyaaniga u fadhiya dalka Kenya. Waxaa Col.
Cabdullahi ku soo dhaweeyey inuu xaflada qudbad ka jeediyo
mudane Max’ed Cabdi Xayir Maareeye oo ku hadlay afka Garabka
Jowhar oo ah qeyb ka mida xukuumada lagu soo dhisay dalka Kenya.
Col. Cabdullahi oo xafladaas ka jeediyey khudbad
dheer ayaa ka hadlay guuldarada ay ku soo gudbeen sannadkii la
soo dhaafay, waxaana hadalkiisa ka mid ahaa inaan aqoon iyo
jaceyl midna loogu dooran xilkaas ee qalbi adkaan iyo xoog wax
ku dirqin ay ahayd mida sababtay in xilkaas loo dhiibo.
Col. Cabdullahi waxaa xilkaas Kenya loogu doortay
10kii Oktoobar sannadkii 2004. waxaa korneylka lagula taliyey
maalintaas iney tahay maalin nasiibdaran sidaas daradeedna uu ka
wareejiyo maalintaas xuska caleemo saarkiisa. Waxaana qiyaas
ahaan u soo baxday maalintii dhaarta oo sida rasmiga ah uu u
qabsaday xilkaas. Waxaana saadaaal lagu siiyey in wax badan ay u
qabsoomayaan haddii uu 14ka Oktoobar ku bedelo 10ka Oktoobar.
Isagoo dardaarankaas ka dhabeynaya ayuu Col. Cabdullahi ku
sifeeyey maalinta 14ka Oktoobar iney tahay maalin barakeysan,
isagoo qiil uga dhigay iney ku kulmeen Ramadaan iyo roobab badan
oo u da’ay Soomaalida.
Waxey dad badan oo Soomaaliyeed iyo dalal badan
ay ka sugayeen Col. Cabdullahi inuu ka dhabeeyo dhaartiisii
ahayd inuu xilka isaga degayo haddii uu ku guuldareysto dhismaha
dowlad Soomaaliida dib u heshiisiin ka dhalisa. Arrintii laga
filayey inuu ku dhowaaqo wuxuu bedelkeeda geliyey xagsashada
afarta sanno oo u hartay ineysan ka gelin muran iyo sibiqsibiq.
Xafladaha caleemo saarka lagu xusayo ayaa lagu tilmaamaa iney ka
mid yihiin dhaqamada laga soo tegey oo ay ku soo can baxeen
madaxda beelaha iyo keliteliyeyaasha jecel iney ka khudbeeyaan
xafladaha ay isugu damaashaadayaan.
Col. Cabdullahi waxaa u muuqata inuusan ku
guulaysan karin hogaaminta Ummadda Soomaaliyeed. Wuxuu dhumiyey
fursadihii uu xilka ku yimid oo kala ahaa inuu nabadgelyo kula
heshiiyo dagaaloogayaasha uu isagu ka midka yahay iyo nidaamka
dib u heshiisiinta iyo is aaminida oo dalka dib looga hirgeliyo.
Cabdullahi wuxuu labadaas fursadood ku waayey shaqsiyadiisa
wajigeeda dagaal doonkaa oo ka xoog badatay qeybta sharafta iyo
xukun doonkaa.
Col. Cabdullahi wuxuu bishii Luuliyo warqad
qoraala u qoray Qaramada Midoobey Golaheeda Amaanka, wuxuuna
codsaday in cunaqabateynta Soomaliya ka saran xagga hubka la
qafiifiyo oo garabkiisa loo ogolaado iney dalka soo geliyaan
cidamo shisheeye iyo hub. Warqadaas ayaa waxey ka turjuntey
damcigiisa xooga ku dhisan iyo garasha la’aanta ninkaas ka
heysata xilka loo doortay ee dib u heshiisiinta. Golaha Amaanka
ayaa soo siiyey jawaab ah inaan dalka Soomaliya waqtigan la
joogo aan la keeni karin ciidamo shisheeye, kuwaas oo dalka u
horseedaya colaado culus. Cabdullahi isagoon fahmin fariinta
Golaha Amaanka ayuu bishii September wuxuu hor dhigay Golaha
Guud ee Qaramada Midoobey in Soomaaliya loo fasaxo hub iyo
keenista ciidamo shisheeye. Golaha Amaanka oo hadda ka dheregsan
ujeedada dagaalooganimo ee uu damacsan yahay Col. Cabdullahi
ayaa bishan Oktoobar xilli uu korneylku isku diyaarinayo caleemo
saarkiisa waxey soo saareen arrin kama dambeysa oo khuusineysa
Col. Cabdullahi, digniina u ah Itoobiya iyo Yemen.
Golaha Amaanka ayaa Bulshada Caalamka u dirtay
inaan la aqbali karin dadaalka uu Col. Cabdullahi ugu jiro
dagaal uu doonayo inuu ka rido Muqdisho, waxeyna fariimo gaara u
dirtay Itoobiya iyo Yemen iney ka joogsadaan hubka ay ku
daldalayaan garabka Jowhar.
Col. Cabdullahi ayaa tan iyo inta xilka loo
doortay wuxuu dadaalkiisa isugu geeyey sidii uu dalka u soo
gelin lahaa Ciidamo shisheeye, deeq caalamkana uu uga heli lahaa
in dalka dagaal lagu xukumo. Fariinta ay Golaha Amaanku ku soo
beegeen xusida maalinta caleemo saarkiisa ayaa dadaalkiisaas ka
dhigtay midaan waxba ka jirin oo aysan waxba ka soconeyn.
Wuxuu sannadkaas Col. Cabullahi uu ku guuleystey
inuu qabsado: magaalada Jowhar oo uu ka sameystay dhufeys,
maleeshiyooyin uu ka soo ka xeystay gobolka Bari, hub fara badan
oo uu ka keensady Itoobiya iyo Yemen, khilaaf xoogan oo uu
dhexdhigay qabqablayaashii soo doortay, iyo garabka Jowhar oo
sii kala jeedinayo.
Waxaa su’aal ay ka taagan tahay sababta Prof.
Geedi iyo Maxamed Dheere kulansiiyey iney ka maagaan imaanshaha
xafladaas. Waxaa loo maleynayaa in Geedi uu soo gudbiyo
iscasilaadiiisa haddii Cabdullahi uusan wax weyn ka bedelin
siyaasadiisa dagaalka. Sidoo kale labadaas nin waxaa dhexyaala
siyaasad ah in labakacleyn lagu dayo dowladii lagu soo dhisay
Kenya iyadoo ay adkaatay dib u magacaabid macno sameyn karta
haddii xilka laga qaado wasiirada gadoodey. La tashiyada ay
garabkaas la sameeyeen deeq bixiyeyaasha iyo wakiilada shisheeye
ee daneeya arrimaha Soomaaliya ayaa looga digey ineysan
khilaafka sii murugeyn.
Sidoo kale Maxamed Dheere ayaa dib loogu soo
celiyey Jowhar, iyadoo qorshuhu uu ahaa inuu u duulo dalka
mareykanka. Ma cadda in sababta uu u aadi waayey ay la xiriirto
khilaaf jira ama in dalka Mareykanka uu ka gaabsaday socdaalkaas
kadib marka ay soo baxday warbixintii Golaha Amaanka oo
dhaleeceeyey Col. Cabdullahi iyo dalalka Itoobiya iyo Yemen ee
ku dhiirogelinaya dagaalka.
Col. Cabdullahi mariinka keliya ee u furan waa
isaga oo iska casila xilka uu sheeganayo mar haddii siyaasadiisa
ay si wada jira ay uga soo horjeesteen wadama bixiya deeqda iyo
Qaramada Midoobeyba. Isbedel Siyaasadeed oo uu hadda la yimaado
oo dib u heshiisiina ma aha mid keeni karta xal madaama ay adag
tahay inuu noqdo nin lagu kalsoonaan karo ama lagu aamini
karo shaqsiyadiisa oo ay ku gaamurtey dagaal iyo qabiil u xaglin.
Khudbadii uu ka jeediyey xaflada ayaa gebi ahaanba ahayd mid
laga dareemayo rajo beel iyo iyadoo muujineysey iney gacantiisa
ka baxday awoodii siyaasadeed oo uu horay ugu abuuray caqabadaha
iyo turaanturooyinka uu ku gudbay nidaamkii lagu raadinayey dib
u heshiisiinta. Rajada wanaagsan ee laga sugayey waxey ahyd
haddii uu waxba qaban waayey inuu soo jeediyo tanaasulka keliya
oo u furnaa, runtiina wax weyn u noqon lahaa, kaas oo ah inuu
iska dhiibo xilka uu ku guuldareystay. Maxaa yeelay,
siyaasadiisu waa wax aan xiligaan ka socon karin dalka
Soomaaliya, shacabka Soomaaliduna ay ka rajo dhigeen.
