XARAFKA   A

Aan wada hadalno waa aan heshiino.
Abaal dad galaa badan, dad gudaase yar.
Abeesana dhul u eki bay wax ku dishaa.
Abkeey dooli diloow, dad nool maas u dahaa.
Aburku inta aanu kugu candhuufin ayaa lagu tufaa
Adduun i khatal.
Adduunyo ka kabo li'id, aakhirana u salaad li'id.
Ari jiri ma kala abaal waydo.
Ari jiri xil bay wadaagtaa.
Ari-jiri ma kala abaal weydo.
Adin waa la dhibaa, ilna waa la dhawraa.
Adoo nabad u balawaara, beloy kaalay lama yari.
Af aamusani marti ma sedo.
Af aanad lahayn ileen aamus lama dhaho.
Af aanad lahayn lama qabto.
Af daboolan dahab.
Af Daboolan, Dahab waaye.
Af hadlaaba aamus.
Af jabay sideedii ma noqodo.
Af jooga looma adeego.
Af macaan gacan macaan baa dhaanta.
Af nooli waa hadlaa eyna waa ciyaa.
Af waa kane, may leke aamee
Af wax cunay xishoo.
Afar gacmood abaar ka daran
Afar layskuma daro: Waan guuri; Waan guursan; Geel baan qaadi.
Afar waa afar: Noloshu waa Niyad; Naftu waa qaali; Nacaybku waa olol; Nabsigu waa qaraar.
Af-ka nool abooto yaxaas (mudac).
Afkaagoo ku xira oon ku furin alle goo baa la yidhaahdaa.
Afkii dab yiri ma guban.
Afxumo nabad way kaa kaxaysaa colaadna waxba kaagama tarto.
Alif kaa xumaaday Albaqra kaama haro.
Alla aamin ma iisho.
Alle watow wehel uma baahna.
Allow aqoon xumo hannagu cadabin, eexna hannooga tegin.
Allow nin aan wax ogeyn ha cadaabin.
Ama afeef hore lahow ama adkaysi danbe
Ama faro dufan leh ku qaad ama faro dac leh.
Ama waa la muuqdaa ama waa la maqanyahay.
Ammaan lama dhu-dhumiyo.
Ammaano cirkaa diiday, oo   dhulkaa diiday, oo Aadmi baa qaatay.
Ammaano kugu raagtey inaad leedahay baad mooddaa.
Amxaar la arag yaaba ferenji xaaji.
Aqal libaax lafo lagam waayo.
Aqoon la'aani waa iftiin la'aan.
Aqool xumo abaar ka daran.
Arin nin la toosan ayaa nin la tuur leh.
Aroos lagama raago, lagumana raago.
Arrimo rag waa mudacyo afkood.
Arrin aan sidii futo riyaad loo feydin, ma fayoobaato.
Arrin kaa tagtay sooma noqoto.
Arrin waa mid kugu soo booddiyo, mid kugu bariday.
Arrin xumo abaar ka daran
Atoorku intiisuu guun ku yahay.
Awr awr wado iyo nin naagi waddi midna kaama leexdaan.
Awr kala guurtay uurar kala guurey baa ka xun.
Awrka danbe awrka hore socodkiisuu leeyahay.
Ayax teg eelna reeb

 

                                 HOME