GOBANNIMO LAMA GORGORIYO
 

Beri waxa jirey nin hawl nacayb ku caan baxay oo Coofle Shaqa-diid la odhan jirey. Xirfad waxa ninkaas u ahaan jirey durbaan yar oo uu marka aroos la amaamadayo soo qaato oo dadka ku maaweeliyo. Durbaankiisu waxa uu samayn jirey cod aad u macaan oo dadku aad u jeclaysto. Tumista marka uu dhammeeyo ayaa cunto iyo lacag hadba wixii loo helo dhi-baabo loo siin jirey. Quudkiisa halkaas buu ka soo saari jirey. Galabtii dambe ayuu gaaf la isku arkay durbaankiisii la yimid. Gamco furan baa lagu soo dhaweeyey, waxaana laga codsaday in uu gaafka si fiican uga tumo. Muddo aan yarayn markii uu dayaan iyo diririg dadkii la wada dhacay wadey ayuu in xamaantiisa laabto oo iska tago damcay. Hase yeeshee «Biis» iyo ku celi baa dhinac walba ka yeedhay, in uu joojiyana waa loo og-golaan waayey.
Xafladdii markii ay dhammaatay, ayuu Coofle Shaqa-diid naftiisii la xanshaashaqay oo yidhi: «Illaa waxa aan ku dhex jiraa waa shaqo.! Allay lehe waa in aan faraha ka qaadaa.! Hase ahaato e calooshiisii baa ayaamo markii ay gaajo iyo dar-xumo isugu habar wacdeen u baaqday. Wuxuu baahi darteed la fekeroba, wuxuu ku goostay in uu durbaan iskiisa isu tumo raadsado oo halkaas quudkiisa ka soo saaro. Helitaanka durbaan iskiis u dhawaaqa baa jarka lagama gudbaanka ah ee qorshihiisa ka hor yimid ahaa. Maalintii dambe, isaga oo ay talo ku baahsan tahay, ayuu fagaare nin baarcadde ahi saar ku tumanayey ku soo baxay. Cabbaar kolkii heesihii ninku tirinayey dhegeystay, dhegaha ku qabsaday erayadan: Shimbiro geed dheer u baxay Midiba cayn bay cidaa Codkeeda laga maqlaa Caweyska lagu tuntaa.
Erayadaas markii uu maqlay, ayuu farxad iyo raynrayn cirkaa ula boodboodey oo yidhi: «Allay lehe waa in aan dhaqaaqaa oo shimbiro soo qabsadaa oo durbaan iskii u heesa ka dhigtaa.» Coofle waqti iskama dayicin ee markilba inta uu guntiga dhiisha iskaga dhigay, ayuu duurka u biyeystay oo shimbiro raadsaday. Saddex casho ka dib ayuu saddex shimbirood ku guuleystay. Middood waxay ahayd fiin, ta labaadna galow, ta saddexaadna gobyahan. Coofle goortii uu shimbirihii ga-canta ku dhigay, ayuu kolay uu sitey gunta u dhigay oo ma-gaaladii ula dheelmaday. Gurigiisii markii uu keenay ayuu bi­yo iyo cunto siiyey, hase ahaato e farxad iyo riyaaq deeqdii uu u fidiyey kuma aanay cunin.
Galabtii dambe ayaa xaafad gurigiisa u dhaweyd gelbis la-ga abaabuley. Coofle waxa halkaas uga gacmo haadisey sha-qadiisii oo uu muddo aan yarayn moogaa. Shimbirihii inta uu biyo cunto wixii uu u heli karayey siiyey ayuli in ay shaqa-dii loo rabbaynayey qabtaan ku amray. Yaab iyo amakaag bay shimbirihii dhabannada la qabteen. Muddo markii la kala aammusnaana galawgii baa dooddii furay oo yidhi, «Aniga wa. xa la i yidhaahdaa galaw. Codkayga waxa lagu tilmaamaa. dhiillo geliye. Haddii aan dhawaaqo waxa la boobaa salabka ee sacab lama tunto. Asal ahaanba iskay baan ciyaa ee cidi igama hadtiso.» Fiintii baa ku xigtay oo tidhi, «Aniga waxa la i yidhaahdaa fiin. Asalkaygaba mar keliya ayaan afka kala qaadaa; waana marka uu roob soo yeelyeesho. Sidii aad ga-canta iigu dhigtay haba yaraatee onkodkii ma aanan maqal. maxaa yeelay roobku barxadan bannaan buu ku hooraa ee ka layada guntooda iyo aqallada gudahooda <ma soo galo.» Gob­yahan baa ugu dambeeyey oo yidhi, «Anigu waxa la i yiraahdaa gobyahan, noloshaydu asalkeeduba geed guudkii uun bay ku baxdaa ee daaf cag ma soo dhigo. Ma gabyayo, mana gabyi doono ilaa aan geedkaygii guudkiisii aniga oo xor ah ku noq-do.»
Coofle markii uu shimbirihii hadal iyo hooyaba kala quus-tay ayuu isaga oo careysan oodda ka qaaday oo yidhi, «HaddiJ aad hees qudh ah in aad hoy, cunto iyo biyo hawl yaraan ugu heshaan diiddeen, orod oo duurkii ku noqda anigu cid ii hees. ta waayi maayo e.» Shimbirihii inta ay duuleen bay mar wada dhawaaqeen oo yidhaahdeen:
Gobyahan: Cooflow xorriyad cunto laguma libsado!
Galow: Cooflow cid aan rabin ma heesto!
Fiin: Cooflow ma shaqeyste cidi uma qabaato!


Xigasho: buugga Af Soomaaliga

 HOME