Aqoonyahano Soomaaliyeed oo
ka digay bur-bur ku yimaado Dawladda FKG ee Soomaaliya ay keeni
karto mushkilad hor leh.
Buluugleey April 15, 2005
Aqoonyahano Soomaaliyeed ee wax ka dhiga Jaamacadaha Mareekanka
ayaa ka ka digay bur-bur ku yimaada Dawladda FKG ay keena karto
dhibaata horleh ee saameysa labada shacab ee Soomaaliya iyo
Itoobiya .
Aqoonyahanada ay ka mid yihiin Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar iyo
Prof. Axmed Ismaaciil Samatar, ayaa waxa ay soo jeediyeen
figrahooda ku qotama culuumta siyaasadda si loo badbaadiyo
dawladda FKG. Waxay aqoonyahannadu ku taliyeen si ay u
xalaalowdo dowlada FFKG ee dhawaantan lagu unkay waddanka Kenya
loo baahanyahay in ay ka miradhaliso xasillonida iyo
deggenaashaha gudaha Soomaaliya. Waxay kaloo ku taliyeen in dibu
heshiisiin guud laga hirgaliyo Soomaalida ku nool dalka
gudihiisa iyadoo dib looga fiirsanayo qaabkii ay Soomaaliya u
iman lahaayeen ciidamo nabad ilaalinta. Aqoonyahannadu
Soomaaliyeed waxay ka digeeen in khasaaro ba’an soo kala gaari
doona labada shacb ee kala ah Soomaaliya iyo Itoobiyaanka,
haddii ay ciidamo Itoobiyaan ah khasab ku yimaadaan dalka
Soomaaliya.
Warkaan oo aan ka soo xiganay Horn Afrik ayaa wuxuu kaloo
sheegaya in Golaha furan ee xadaaradda Soomaaliyeed ay soo
jeediyeen in caasimada Soomaaliyeed oo shan iyo toban 15 sano ku
sugneyd burbur iyo foolxumo oo haatan laga wareegaa, ay la micno
tahay haku sii socoto sidii ay deganaansha la’aanta aheyd.
Waxeyna taasi abuuri kartaa ayey aqoonyahanadu yiraahdeen dareen
xun oo Soomaalida looga reebayo dadyowga kale ee adduunka.
