Prof.
Cabdullahi Sheekh Ismaciil oo Diidan Siyaasada Hoose ee uu ku
Shaqeynayo Col. Cabdullahi Yusuf
Buluugleey,
Saturday, October 29, 2005
Danjire Cabdullahi sheikh ismaaciil ayaa soo
gaaray magaalada Jowhar isaga oo soo raacay Prof. Geedi iyo
Prof. Salim Caliyow si loo xaliyo khilaafka isaga iyo Col.
Cabdullahi u dhexeeya.
Marar badan oo la isku dayey in danjire
Cabdullahi uu yimaado Jowhar ayaan suurtogal noqon sababo la
xiriira khilaaf soo kala dhexgalay isaga iyo Col. Cabdullahi
Yusuf, kaas oo ku saleysan doorka C/risaaq Jurille oo garabka
Jowhar u matala inta badan siyaasadooda iyo xiriirka ay la
leeyihiin dibeda.
Danjire Cabdullahi oo ah raggii sida xun ay
Itoobiya ugu adeegsatay dadaalkii lagu soo saarayey Col.
Cabdullahi inuu hogaamiyo Soomaalida, ayaa hadda u muuqda qof
laga maarmay, isaga oo lagu eedeeyey inuu amar diido ku sameeyey
fariimo badan oo ka soo gaaray Col. Cabdullahi Yusuf.
Waxaa hadda loogu yeeray in dhibaatadiisa
dhaqaale iyo deymankiisa wax badan laga qaban doono, laakiin
taas meelmarinteedu waxey ku xiran tahay inuu ka haro eeda uu u
hayo Cabdirisaaq Jurille oo dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaanba
ah qasnada iyo maskaxda dhaqaajineysa garabka Jowhar.
C/llaahi Shiikh Ismaaciil ayaa ku adkeysanaya in
laga siiyo faahfaahin qancisa sababta ay u dhacday in aan lagu
soo wargelin safarada shirarka dibeda, gaar ahaan dalka Itoobiya
iyo sababta keentay in isaga xiriirkaas lagu aamini waayo. Wuxuu
ku dooday in taas ay u horseeday inu isaguna uu ka qaybgalo
shirar uusan soo ogeysiin Col. Cabdullahi iyo inuu diido amaro
lagu farayey inuu deg deg ku yimaado Magaalada Jowhar. Waxaa loo
sheegay in amar diidada uu ku sameeyay Col. Cabdullahi looga
tashan doono in xilka looga qaado iyo in kale, taas oo looga dan
leeyahay in laga soo fujiyo meesha uu ku dhegan yahay iyo in
mowqifkiisa la soo jilciyo, isaga oo ka dheregsan in Jowhar ay
tahay meel ciddii timaada haddii sidii la rabo laga waayo loo
taxaabayo xabsiga.
