Col Cabdullahi Yusuf oo isku dayay in uu weeciyo Macaawino
Talyaaniga ugu deeqay dalka Soomaaliya
Buluugleey Jun 18, 2005
Col. C/llaahi Yuusuf ayaa is hortaagay deeq mucaawino ah oo
dowladda Talyaaniga ugu deeqday shacabka Soomaaliyeed. Deeqdan
oo uu sido Markabka ku xaniban Dekedda Mombassa ee dalka Kenya
ayaa la sheegay inay gaareyso 9500 Tan oo u badan raashin.
Warkan oo aan ka soo xiganay idaacadda Radio Shabeelle ayaa
sheegaya in Col Cabdullahi Yusuf la xiriiray saraakiisha
Talyaaniga isagoo weydiistay in markabkan sida macaawinada laga
dejiyo dekeda magaalada Boosaaso. Warku wuxuu intaa ku darayaa
in Col Cadullahi uu qorsheeystay in deeqdaasi marnaba laga
dejinin dekedda Ceel macaan ee ku taal magaala Muqdisho magaala
madaxda Soomaaliya. Haseyeeshee, dowlada Talyaaniga ayaa lagu
soo waramayaa markii ay ogaatay qorshahas uu Col Cabdullahi
Yusuf watay in ay ku gacan seyrtay iyadoo saraakiisha
Talyaanigu sheegeen in haddii qorshahii ay ugu soo talo gashay
ay dowladda KMG fulin weyso ay ku wareejin doonto hay’adda
Cunada
Aduunka ee Qaramada Midoobay WFP
oo gaarsiin doonta magaalada Muqdisho si cadalad ahna loo qeybin
doono.
Haddabo, waxaa waddamada deeqda bixiya ka go’an inay gacan weyn
ka geystaan dibudhiska dalka Soomaaliya. Sikastaba ha ahaatee,
Col Cabdullahi Yusuf ayaa dhabarjab weyn ku ah diidmada uu kala
kulmay Talyaaniga, waxayna u muuqataa mid sii daciifineyso
kalsoonida uu korneelku ka helayo dadweynaha Soomaaliyeed.
