1-da Luulyo oo si weyn looga
xusay magaalada Muqdisho
Buluugleey July 2, 2005
Waxaa dalka Soomaaliya oo dhan si wayn
looga xusay munasabada 1-da Luulyo oo ah maalintii Gobolada
koonfureed ay ka xoreebeen gumaysigii Talyaaniga iyo Israacii
labadii Gobal ee waqooyi iyo Koonfur ee gu beegneed 1960kii.
Xafladahaas ee lagu maamuusayo munaasabadaas waxay ka dhaceen
dalka gudahiisa iyo dibadiisaba. Waxayna dadweynaha
Soomaaliyeed meel ay joogaanba munaasbada 1-da Luulyo oo ka
wareegtay 45 sano ku soo dhaweeyeen farxad iyo qiiro wadaninimo.
Munaasabada maalinta gobanimada ee 1-da Luulyo ayaa si weyn
looga dabaal dagay magaalada Muqdisho magaala madaxda dalka
Soomaaliya iyadoo lagu soo bandhigay taariikhdii loo soo maray
halgankii xurnimada iyo siidii loola dagaalamay gumeysiga
Talyaaniga iyo Ingiriiska. Waxaa laga akhriyay khudbado la
xiriira Heerarkii kala gadisnaa ee soo maray dalka intii
xuriyada la qaatay.
Munasabadaas oo ku aadaneyd maalinta xornimada, waxaa xaflad
weyn oo si heer sare ah loo agaasimayay ka dhacaday magaalda
Muqdisho waxaana ka soo qayb galeen Gudoomiyaha baarlamanka
Soomaaliya Shariif Xasan shiikh Adan, xubnaha dowalada KMG ka
tirsan ee ku sugan Caasimada dalka Muqdisho iyo masu’uuliyiin
badan oo u soo halgamay gobanimada Soomaaliya.
