Col.
Cabdullahi oo ku Hungoobey Dhaqaale ku Raadsashada Adeegsiga
Argagixisada
Buluugleey,
Thursday, September 01, 2005
Bisha November sannadkii 2001 ayuu Col.
Cabdullahi Yusuf adduunyada ku wargeliyey in degaanka
Shimbiraale ee ku yaala xeebta gobolka Bari ay xaruun u tahay
Argagixisada. Dhamaadkii sannadkaas ayaa waxaa degaankaas tegey
saxaafada caalamka iyo mida Soomaalida, Shimbiraalana waa laga
waayey wax argagixisaa. Arrintaas waxey odeygaas waayeelkaa ka
dhigtay beenlow aan warkiisa dib dambe loo qeymeyn. Aduunyadu
waxey ka dheregtey beenabuurashada korneylka oo looga bartay
iney tahay xeel raqiisa ee uu kula dagaalamo raga ay siyaasada
isaga soo horjeedaan ama kuwa ka soo jeeda beelaha ay isdiidan
yihiin.
Dowladda Mareykanka ayaa ka gaabsatay
dhaqaale ay Itoobiya uga balanqaaday iney ku bixiso mashruuca la
dagaalanka argagaxisada lagu tilmaamay iney ka jirto Geeska
Afrika. Taas waxey ka dambeysey ka dib markii ay dowladda Mareykanka
u argtay isbaheysiga Col. Cabdullahi Yusuf iyo Mele Senaawi inuu
yahay mid lagu yaboohsanayo xoolo lagu helo argagixiso been
abuura oo aan dhab ahaan u ujirin. Mele Zanaawi ayaa mar uu soo
booqday dalka Mareykanka wuxuu ka codsaday dowladda Mareykanka
iney dib u soo celiyaan hantidii Itoobiya lagu siin jirey la
dagaalanka argagixisada Geeska Afrika taas oo uu Mareykanku ku
adkeystay ka noqoshadiisa.
Col. Cabdullahi ayaa tegey Sacuudiga 23dii
Agoosto, 2005, waxaana soo doweeyey wasiirka Xajka kadib markii
boqorka Sacuudiga uu diidey inuu si sharaf leh ugu soo dhaweeyo
marka uu imaanayey dalka Sacuudiga. Korneylku wuxuu boqorka
Sacuudiga ka codsaday dhaqaale uu kula dagaalamo argagixisada uu
ku sheegay iney xaruun u tahay Muqdishu.
Col. Cabdullahi oo hilmaamay sharfdaradii
uu kala kulmay Shimbiraale ayaa soo rogaal celiyey adeegsiga
argagixisada wakhtigan la joogo oo ay siyaasada isaga soo
horjeedaan beelaha degan Muqdishu. Sacuudiga oo aan dooneyn inuu
taageero siyaasada Itoobiya oo uu u adeegayo Col. Cabdullahi
yusuf ayaa kula taliyey korneylka in uu u dhego nuglaado
dhexdhexaadinta caalamku ay ka wadaan khilaafka isaga kala
dhexeeya raga ay siyaasada isaga soo horjeedaan.
Waxaan shaki lahayn in Muqdishu loogu
tegayo beelo ka soo horjeeda siyaasada Col. Cabdullahi Yusuf uu
ugu adeegayo cadowga Itoobiya ee aan marna loogu tegi doonin
argagixiso. Waxaa xusuus mudan in Col. Cabdullahi oo hogaaminaya
urur argagixisaa uu hadda ka hor ku xasuuqay gobolada dhexe
boqolaal dadweyne Soomaaliyeeda oo rayida oo uu u arkayey iney
ku heyb yihiin Siyad Barre oo isaga markaas ay qabiil ahaan
isaga soo horjeedeen isaga, waxaana duulaankiisa ku wehliyaan
ciidamadii cadowga Itoobiya.