Dhismaha
Golaha Degaanka Gobolka Banaadir Oo Awood Xoog Leh La Isugu
Geeyey Si Ay Sharciga Iyo Kala Dambeynta Ay Ugu Soo Celiso
Magaalo Madaxda Muqdishu Iyo Degaanka Ku Wareegsan
Buluugleey,
November 11, 2005
Hogaamiye
kooxeedyada muqdisho iyo wakiilada golaha baarlamaanka kooxda
Muqdisho ayey ku qaadatay wakhti dheer iney soo dhisaan maamul
goboleedka gobolka Banadir. Maanta ayey ku guuleysteen iney soo
bandhigaan tirada uu ka kooban yahay golahaas degaanka oo dhan
64 xubnood.
Gudigii Loo xilsaaray maamul u sameynta gobolka Banadir oo ka
kooban 57 xubnood ayaa ku guuleystey sameynta xeerka dhismaha
maamulka cusub ee gobolka Banadir. Waxeyna door ka qateen sidii
ay ugu fududeyn lahayeen qaabkii dadka gobolka ay u dooran
lahaayeen madaxda maamuleysa degmooyinka iyo deegaanada ay ka
kooban yihiin gobolka Banaadir.
Maamul u sameynta gobolka Banaadir ayaa ah xeeladii ugu sareysey
oo ay qorsheeyaan hogaamiye kooxeedyada Muqdisho. Awood xoogan
oo la siiyo golaha degaanka gobolka Banaadir waxey sharci ahaan
u siineysaa golahaas iney soo celiyaan nidaamka iyo kala
dambeynta gobolka. Sidoo kale waxey meesha ka sareysa in
Muqdisho looga soo arrimiyo Boosaaso iyo Jowhar.
Haddii la helo maamul loo dhiso Muqdisho iyo magaalooyinka kale
ee ka tirsan gobolka Banaadir oo aan ku dhisneyn qabiil, waxaa
iska cad in loolanka siyaasadeed ay ku guuleysanayaan garabka
Muqdisho. Sida badan la isma weydiinayo in maamulkaas loo dhan
yahay iyo in kale, laakiin waxaa la sugayaa in la arko maamul
shaqeynaya haddiiba ay doonto ha liidato tayadiisu.
Kooxda Jowhar ayey u muuqataa ineysan soo faragelin doonin
maamul u sameyntaas in kasto aysan raali ka hayn maamul aysan
iyagu soo magacaabin. Kooxda Jowhar ayaa cabsi weyn ka qabta in
haddii ay isku daydo iney maamulkaas ku sameyso carqaladeyn ay u
muuqan karto bilow dagaal, taas oo u keeni karta in lagu soo
weeraro Jowhar wakhti aysan weli gaarin iney xididadoodu
adkaadaan.
Maamul u sameynta dowlada gobolka Banaadir ayaa ah siyaasad
xeeladeysan oo looga gudbi karo isbaarooyinka meherad ahaan
looga xoogsado Muqdisho iyo degaanka ku dhow. Sidoo kale waxey
taas meesha ka saareysa dagaaladii ay isugu dhacayeen kooxaha
hubeysan oo salka ku haya dano beeleed. Maamul ka shaqeeya danta
guud ee Soomaalida ku dhaqan Muqdisho waxey burbur u keeneysa
kooxda Jowhar oo aan heleyn qiil ay ku sii joogto Jowhar.
Wakiilada wadamada shisheeyaha oo dhan waxey isku raacsan yihiin
iney soo degaan Muqdisho haddii loo sameeyo maamul magangeliya
shaqaalaha iyo hantidooda.
