Malleeshiya Gobaleedka ee Gobolka Bari ayaa xoog ku qabsaday
Bangiga dhexe ee Garoowe
Buluugleey
November 06, 2005
Bangiga Dhexe ee Garoowe
ayaa waxaa qabsaday malleeshiyo gadoodsan ee ka soo baxay Jiida
hore ee deegaanka Aricadeeye, kadib markii ay maamulka gobolka
Bari u awoodi waayeen inay wax mushaharada ah siiyaan.
Ciidanka maamulka Bari
ayaa xalay saqdii dhexe weerar gaadmo ah ku qaaday
malleshiyada xoogga ku heysatay Bangiga Dhexe oo sida uu wararku
sheegayaan ku hubeysan tikniko iyo hub aad u cul-culus. Ujeedada
weerarkaas oo lagu doonayey in malleshiyadaasi soo weerartay
bangiga looga saaro ayaa ku dhaawacmeen dhoor nin dhimashadana
aan ilaa haatan la ogeyn inta ay gaarsiisantahay.
Malleshiydaasi oo weli
haysata Bangiga Dhexe ayaa curyaamiyey hawlihii caadiga ahaa ee
Bangiga Dhexe Garoowe, waxayna malleeshiyadasi shuruud ka
dhigeen maamulka Gobolka in marka hore ay siiyaan
mushaaharadooda inta aynan bangiga ka bixin. Waxay
malleshiyadaasi ay sheegayaan in aynan wax mushaaraha qaadan
inta ay ku sugnaayeen jiida u dhaxeeyso labada gobol ee Waqooyi
Galbeed iyo Waqooyi Bari oo in mudaba xisadi colaadeed halkaasi
ka aloosneyd.
Gobolka Bari ayaan lahayn ilo dhaqaale ee ku filan oo lagu fulin
karo hawlaha lagama maarmaanka u ah maamulka gobolka. Waxayna
amaan darrida haatan taagan la soo deristay maamulka gobolka
Bari salka ku haysa dhaqaale xumo oo sababta ugu weyni tahay
faragelinta siyaasada qallafsan ee Col. Cabdullahi Yusuf ee ku
dhisan beel-tooxsi iyo nin jecleysi. Malleeshiyada qabsatay
Bangiga Dhexe ee Garoowe ayaa ka tirsan malleshiyo beeled oo
Col. Cabdullahi ay isku heyb yihiin oo intii uu madaxda ka ahaa
maamulka uu hubka waaweyn uu malleshiyadaasi gacanta u geliyey.
Taasina waxay meesha ka saartay in madaxa sare ee haatan
maamulka gobolka Bari gacanta ku haya aynan awood u lahayn inay
hor istaagaan amaandarada la soo deristay gobolka.
