Col. Barre
Hiiraale Oo Wada Qaab Lagu Sheegay Waan Waan Loogu Talagalay
Inuu Ku Maquuniyo Fikirka Ay Hogaamiye Kooxeedyada Muqdishu Uga
Soo Horjeedaan Col. C/Llaahi Yusuf
Buluugleey,
November 11, 2005
Col. Barre
Hiiraale ayaa dhambaal uu u diray xafiiska QM ee Nairobi wuxuu
ku sheegay qorshe uu soo diyaariyey oo lagu heshiisiinayo Col.
C/llahi Yusuf iyo Shariif Xasan Aadan. Qoraalkaas oo uu Barre ku
xaqiijiyey in labadaas hogaamiye ay kawada hadleen heshiiska uu
wado ayana isku afgarteen in la qabto isaragaas.
Hadda ka hor
ayuu Col. Barre Aadan Shire mar uu safar ku soo gaarey Muqdisho
bishii September sannadkan ayaa dadaalkiisa dib u heshiisiinta
waxaa shaki ka muujiyey kooxda Muqdisho oo aragtidoodu ay ka soo
horjeedo kooxda garabka Jowhar, wax jawaabana kama aysan bixin
waan waanta uu la soo boodey Barre.
Waxaan kooxda
Muqdisho aan u cadeyn waxyaabaha ka dambeeya waan waanta uu la
roorayo Col. Barre Hiiraale. Siyaasiyiinta Muqdisho waa ay u
cadahay ineysan ahayn mid ujeedadeedu ay tahay in si daacada loo
dhameeyo khilaafka u dhexeeya kooxaha Muqdisho iyo Jowhar. Waxaa
la isweydiinayaa in Col. Barre uu qeyb ka yahay shaxda guud oo
beel ahaan uu ku qanacsan yahay in awooda Muqdisho gacanta
hogaamiye kooxeedyada Muqdisho laga saaro.
Col. Barre
Hiiraale iyo Col. Cabdullahi ayaa waxey is tuseen iney iska
kaashadaan sidii ay beeshooda guud degaanka webiga Jubba
milkiyadiisa ay gacanta ugu dhigi lahayeen. Qorshahaasna uu qeyb
ka yahay sidii loo caburin lahaa hogaamiye kooxeedyada Muqdisho,
looguna go’doomin lahaa in lagu sii jeediyo qalalaasaha laga soo
aloosayo Jowhar.
Siyaasada
Col. Barre Hiiraale aya hadda u muuqata mid ku dhisan
beerdulucsi looga dan leeyahay in lagu kala jebiyo kooxda
Muqdisho, ujeedaduna ay tahay in laga reebo kooxdaas
hogaamiyeyaasha ka soo jeeda beelaha kale iyo kuwa aysan adkeyn
fikirkoodu oo ah dheeli raaca.
Isla markiiba
waxaa ka soo yeertay kooxda Jowhar iney arrintaas diyaar u
yihiin, si dadbana ay ku tilmaamayaan in kooxda Muqdisho ay ka
soo horjeedaan dadaalka uu wado dagaaloogaha Kismaayo. Nuxurka
yeelmadaas ayaan ahyn mid daacada, laakin looga dan leeyahay in
maalinba qof laga diro kooxda Muqdisho si aragtida guud ee
siyaasadooda loogu soo koobo mida beelahooda.
Dadka intiisa
badan ayaa qaba in marka hore fikradaas waan waanta ah laga soo
bilaabo kooxda Jowhar, lana maqlo fikirka ay qabaan inta badan
kooxdaas intii lagu soo koobi lahaa ogolaanshaha Col. Cabdullahi.
Waxaan shaki lahayn marka qof ka mida koox fikirkoodu hal dhinac
yahay loo soo dhiibo shirqool siyaasadeed oo afka murti nabadaha
ka wada, niyadana cadowtinimo beleed ka unkaya iney leedahay
halista ay wadato oo ah in isla kooxdaas ku keeni karta in
qaarna ay diidaan qaarna ay rumeystaan oo sidaas kooxdaas ku
kala tagto.
Kooxda Jowhar
kama muuqato saan saan tanaasul dhow ee yaan waxaan natiijo
lahyn wakhti la idsaga dhumin . Diblomaasiyiin shisheeye oo la
soo kulmay kooxda Jowhar ayaa waxey sheegeen in howlaha waan
waanta ay weli yihiin kuwo carduna oo aysan fari ka qodneyn
loona baahan yahay wakhtigu inuu bisleeyo oo hanweynida ay
meesha ka baxdo. Dadaalka Kismaayo laga wado waa mid u dana dib
u heshiisiinta beelaha Barre iyo Cabdullahi ee ma aha mid loogu
daneynayo Jowhar iyo Xamar midna.
