Prof.
Geedi Oo Lafahiisa Xamar Kala Baxsaday Kadib Markii Uu
Dhegihiisa Ku Maqlay Qarrax Naftiisa Ku Abuuray Naxdin Uu Filan
Waayey
Buluugleey,
November 11, 2005
Prof. Geedi
ayaa dharbaaxo lama filaana wuxuu kala kulmay socdaalkii uu
dhowaan ku yimid magaalada Muqdisho. Warkii ugu dambeeyey oo
laga maqlayna wuxuu ahaa mid ka turjumayey carar uu ku baqday.
Qarraxa loo
geestey Prof. Geedi ayaa xambaarsanaa digniin culus oo fariinta
la soo gaarsiinayey ay ahayd inaan la jecleysan hebednimada uu
danaha Col. Cabdullahi ugu adeegayo. Waxaa sidoo kale fariinta
ka mid ahaa in Col. C/llahi uu heshiis ama dagaal mid ku yimaado
Xamar, uuna ka waantoobo adeegsiga shaqsiyaadka aysan quseyn is
maandhaafka siyaasadeed. Waxa inta badan la is weydiiyaa waxa
Col. C/llahi uu had iyo jeer derbi ahaan u adeegsanayo Maxamed
Dheere iyo Prof. Geedi.
Hadda ka hor
ayey ahayd markii Shariif Xasan uu ku gacan seyray inuu
dhexdhexaadin la galo Prof. Geedi, isagoo tilmaamay ineysan
jirin khilaaf isaga iyo Prof. Geedi u dhexeeya. Waxaa hadda la
isweydiinaya waxa ay macnaheedu tahay in inta Col. C/llahi uu ku
dhawaaqay xiritaanka garoonada Xamar, haddana uu soo diro Geedi
oo doonaya in gurigiisa boqasho sharaf loogu tago.
Inkasto ay
ahayd wax laga xumaado qarraxaas loo geystey Geedi, haddana
isagaa sabab u ahaa inuu heerkaas gaarsiiyo
sharafdhaciisa. Waxey ahayd inuu isweydiiyo waxa uu u noqday
shaqsi aan laga jecleyn siyaasada Soomaalida oo markasta loola
raadsado qarrax. Ma wuxuu arki waayey in dagaal hubeysan uu u
dhexeeyo hogaamiyeyaasha Xamar iyo Col. C/llahi, isaguna uusan
ahyn dagaalooge hubeysan, sidaasna aysan ku habooneyn inuu ka
afnaqo dagaal aan isaga quseyn.
Prof. Geedi
wuxuu ceeb weyn kala kulmay wafdigii uu soo kaxeystay iyo
bulshada caalamka. Wuxuu hilmaamy in hadda Xamar cid walba ay
xoogeeda ku joogto oo aysan jirin wax isaga gooni ahaan dabada
looga soo riixo. Wuxuu hilmaamay in isaga loo soo dhiibey bam,
nasiib wanaagse ay isaga ku qaraxday intii aysan qarxin tii loo
soo dhiibey oo ahayd in Xamar laga qarxiyo iska horimaad
hubeysan oo madaxa la isgu garaaco beelaha walaalahaa ee wada
deggan Xamar.
Gefefka aan
xisaabsaneyn ee Prof. Geedi uu ku kacayo waa mid uusan hadda ka
garqaadan karin waayo durbaan xoogan ayaa dhegehiisa ku dhacaya
oo maqalkiisa tiray. Guuldarrada uu Prof. Geedi kala soo kulmay
Muqdisho waxey astaan u tahay inuusan waxba ka fahmin dhaqanka
hoogaamiye kooxeedyada hubeysan, uuna seegay talooyin waxtar leh
oo dadaalkiisa lagu tixgelin lahaa.
Prof. Geedi
ayaa si sharafxumo leh uga soo baxsaday Muqdisho, waxaa loo
qabsaday diyadii dadkii ay ilaaladiisu ku laayeen socdaalkiisa,
sidoo kale waxaa la warsaday magdhow ilaaladii la socotey ee ku
dhimatay qarraxyadii loo geystey, waxaa sidoo kale ku soo furmay
murano lacageed iyo kuwo deymo ah. Dareenka keliya oo laga
maqlayey waxey ahayd hadalo xambaarsan aflagaado, dhiilo
coladeed, handadaad iyo carro qiiro badan wadatey oo ay ka
muuqato tabar darro siyaasadeed. Intaas oo dhan waxey
muujinayaan inuu Geedi u muuqdo inuu yahay howlwadeen qaldan oo
ay ku adag tahay xilka uu huwan yahay. Xilkii nabada loogu
dhiibey maba gudana gormay qaaday qiirada coladeed!
