Somali Concern Group
www.somaliconcern.org
BAYAAN
Qoraal Ah OO URURKA SCG ay u
gudbiyAY dowlada KMG
Annagoo ka duulayna xaaladda uu
xilligan dalku ku sugan yahay, dareensanna khatarta ka iman
karta khilaafka u dhaxeeya xubnaha labada gole ee dowladda iyo
baarlamaanka ee sii kordhaya ayay noola muuqatay inaan muujinno
mowqifkeenna ku beegan arrintan, annagoo gudanayna waajibka
naga saaran jiritaanka ummadeena iyo qaranka soomaaliyeed.
Sidaan horeyba u caddeynay SCG
waxay si buuxda u taageersan tahay natiijadii ka soo baxday
shirkii dib u heshiinta labada sano iyo barka loo fadhiyay
waddanka Kenya ee lagu soo dhisay golaha baarlamaanka iyo
dawladdaba, sidaa daraadeed waxaan ku baaqeynaa in laga hortago
wixii burbur keeni kara, kana hor iman kara in dawladda curdanka
ah ay taaba gasho.
Waxaan xasuusinaynaa madaxweynaha,
ra’iisul wasaaraha iyo guddoomiya baarlamaanka in dowladani
tahay dawlad ku dhisan dib u heshiisiin iyo talo wadaag
Islamarkaana iska horimaad uuna xal keeni karin.
Dawladdan waxaa lagu dhisay ayna
ku hirgeli kartaa oo keliya:
-
Dib u heshiin dhab ah oo laga
bilaabo xubnaha labada gole loona gudbiyo shacab weynaha
soomaaliyeed.
-
Wada tashi dhab ah iyo aragti
midaysan si go’aan looga gaaro arrimaha xasaasiga ah.
Talo soo jeedin:
-
In khilaafka labada gole lagu
dhammeeyo wada hadal ku dheehan waddaniyad iyo daacadnimo
iyadoo mar kasta la hormarinayo danta shacabka iyo
jiritaanka qaranka soomaaliyeed.
-
In Madaxweynaha iyo Ra’iisul
wasaaruhu ay ka tanaasulaan keenista ciidamada dowladaha
safka hore, kaas oo aasaas u ah khilaafka taagan.
-
Waxaan marnaba suuragal ahayn
in labada gole ay fariisin ka dhigtaan saddex magaalo oo
kala duwan iyadoo laga fiirinayo xag dhaqaale, tasiilaad,
farsamo, iyo nabadgelyaba. Sidaas daraadeed waxaan ku
talinaynaa in labada gole ay degaan caasimadda waddanka ee
Muqdisho, si wadajir ahna loo dhamaystiro howsha nabadeynta
ee ka socota magaalo madaxda. Waxaan hubaal ah in tegitaanka
dowladda ee caasimadda ay dowr wayn ka qaadaynayso
nabadeynta, habsami u socodka hawlaha dawladda iyo dib u
heshiisiinta shacabka soomaaliyeed.
-
Waxaan sidoo kale
xasuusinaynaa hoggaamiya kooxeedyada ku sugan muqdisho kana
tirsan labada gole in ay ahaayeen kuwii nabadda ka qaaday
una diidanaa xasiloonida caasimadda 14kii sano ee la soo
dhaafay, shacabkuna uu ku bartay inay yihiin kuwa aan fulin
ballamada ay galaan taasoo yareynaysa in la aamino. Sidaa
daraadeed waxaan u soo jeedinaynaa in ay ka dhabeeyaan
hawsha nabadaynta caasimadda, oo ay ugu horrayso baabi’inta
jidgooyada iyo amnidarrada.
-
In guddoomiyaha baarlamaanku
uu ku dadaalo sidii uu meel isugu keeni lahaa dhammaan
xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliyeed si uusan
baarlamaanku u burburin. Waxaa kale oo aan ka digaynaa in
waqtigan xasaasiga ah la kala fasaxo xubnaha baarlamaanka.
-
Waxaan xubnaha baarlamaanka
xasuusinaynaa inay yihiin hey’addii ugu sarreysay ee qaranka
Soomaaliyeed, sidaas darteed waxaan ka codsaneynaa iyagoo
tixgelinaya duruufta adag ee uu qaranka Soomaaliyeed ku
sugan yahay maanta inay ka sara maraan khilaafka shakhsiga
ah ee ku dhisan danaha gaarka ah, horseedna u noqon kara
burburka baarlamaanka iyo qarankaba.
-
In shacabka Soomaaliyeed meel
walba oo ay joogaan ay dowr fiican ka qaataan sidii ay
dowladdan u meelmari lahayd, si looga gudbo marxaladan adag
ee soo foodsaartay dalka iyo dadkiisa.
|
-
Waxaan ka xunnahay dagaalada
ka soo cusboonaaday gobollada dalka qaarkood oo dad
Soomaaliyeed ugu dhimanayaan sabab la’aan, waxaana ku
talinaynaa in si deg deg ah oo shuruud la’aan ah loo joojiyo
dagaalada, khilaafaadka jirana lagu dhammeeyo wada hadal.
SCG waxay u heellan tahay sidii
dalka loogu soo celin lahaa nabad iyo nidaamkii dawladnimo,
waxaana diyaar u nahay in aan si wadaninimo ku dheehan tahay u
dhex galno uguna kala dab qaadno labada garab ee labada gole, si
looga fogaado burbur ku yimaada mirihii ka dhashay shirkii kenya.
Mr
Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow)
Chairperson of
Somali Concern Group
________________________________________________________________
Contact Address: PO Box 461, Southall, UB1 9AF,
UK
Tel: 07932 722 651, e-mail: Somali@somaliconcern.org
