Wasiirka
arimaha dibadda Itoobiya
Seyoum
Mesfin
oo
la filayo inuu dhawaantan soo gaaro magaalada Jowhar
Buluugleey November 15/2005
Saraakiil Itoobiyaan oo uu horkacayo Cabdicasiis Axmed Aadan
ahna danjiraha u qaabilsan dowladda Itoobiya arimaha Somaliya
ayaa soo gaaray magaalada Jowhar. Wefdigaan oo la dajiyay guri
ka soo horjeeda saldhiga booliska Jowhar ayaa wararku
sheegayaan in si weyn loo adkeeyey amaanka wadooyinka magaalada
soo gala iyo kuwa ka baxo, gaadiidkuna wey xanibnaayeen muda
badan.
Saraakiisha Itoobiyaanka ah ayaa shir albaabadu u xiranyihiin la
yeeshay wasiirka arimaha dibada ee dowlada KMG Cabdulaahi
sheekh Ismaciil. Shirkaas qarsoodida ah ayaa loo diiday inay wax
ka ogaadaan dhamaan saxaafada. Ujeedada weyn ee ka danbeyso
booqashada saraakiisha Itoobiyaanka ah ayaa wararku sheegayaan inay
tahay soo dhaweynta wasiirka arimaha dibadda Etoobiya
Seyoum Mesfin
oo ah nin ku heyb ah
Meles Zenawi
ayaa dhawaantan socdaal ku imaan doono magaalada Jowhar.
Wararka qaar ayaa waxay saadaalinayaan in heshiisyo qarsoodi ah
oo dhameystiraya duulimaadka tooska ah ay Itoobiya ku soo
qaadi doonto dalka Soomaaliya ayaa lagu kala saxiixan doonaa.
Dadweynaha Soomaaliyeed ayaa caro dheeraad ah ka muujiyey faragelinta tooska
ah iyo degenaansho la’aanta ee Itoobiya ka abaabuleyso gobolka
geeska Afrika.
