Qanyare Iyo Suudi oo ku
Dhawaaqay Iney Burburtay Dowladii Igad ay ku Soo Dhistay Kenya
Buluugleey, Saturday,
October 29, 2005
Shir ay kula hadlayeen
weriyaalka dalka ayey labadaas dagaalooge waxey ku cadeeyeen in
lagu kala tegey dowladii lagu soo dhisay Kenya ayna isaga baxeen
oo hadda wixii ka dambeya aysan ka mid ahayn.
Qanyare ayaa sheegay in hadda
iyo wixii ka dambeeya loo noqon doono hogaamiye kooxeednimadii
aysana jirin madax dowladeed. Wuxuu tilmaamay mudane Qanyare in
Col. Cabdullahi Yusuf iyo isaga ay ka dhaxeyso dagaal
nuucyadiisa kala duwan, sidaas daradeedna aysan jirin amar
dhinaciisa uga imaan kara iyo wax tixgelina oo uu agtiisa ka
leeyahay.
Sidoo kale ayuu dagaaloogaha
Suudi wuxuu isna la barbar saftay Qanyare, wuxuuna sheegay in uu
bilowday dagaalkii ay maaganayeen qolada Jowhar. Wuxuuna
cadeeyey hubka ay heystaan iney u isticmaalayaan marba nuuca
dagaalka xeeladiisu ay socoto. Wuxuu sheegay inuusan Col.
Cabdullahi uusan kooxdooda ku soo rogi karin cunoqabateyn, ayna
arrinkaas uga jawaabayaan gantaalo ay la beegsanayaan circa si
ay kooxda jowharna u taabato cunaqabateynta ay ka soo rogayaan
dhankooda.
Digniintaas culus oo ka soo
yeertay hogaamiyeyaasha kooxda Muqdisho ayaa waxey cabsi weyn
gelisey QM iyo deeq bixiyeyaasha caalamka. Danjire Francois Fall
oo Xoghayaha guud ee Q/Midoobay uga wakiil ah Arrimaha
Soomaaliya ayaa la filayaa inuu deg deg warbixin arrintan uga
gudbiyo, dhaqsana loo horgeeyo fadhiga soo socda ee ay
yeelanayaan Golaha Ammaanka Q/Midoobay. Warbixinta wakiilka QM
ayaa ah mid inta badan eedeyneysa garabka Jowhar ee Col.
Cabdullahi Yusuf oo aan qaban dib u heshiisiin la taaban karo.
Warar huban ayaa sheegaya in
wakiilka QM ee Soomaaliya looga yeeray New York si warbixintaas
uu u soo jeediyo.
Mr. Fall ayaa Warar hor u dhaca oo uu siiyey QM ay sheegayaan in
warbixinta uu jeedin doono ay tahay mid laga arrinsanayo hubka
ku soo qulqulaya Jowhar, isla markaana lagu muujinayo wax qabad
la’aanta iyo burburka ku yimid dowladii lagu soo dhisay Kenya.
Fadhiga ay yeelanayaan Golaha Ammaanka ayaa waxaa laga yaaba
iney ka soo baxdo hadalo dhiilo xambaarsan oo tilmaamaya ineysan
jirin dowlad Soomaaliyeed sidaasna ay ku soo jeediyaan in QM ay
qaban qaabiso shir guud oo lagu soo dhisayo dowlad Soomaaliyeed.
Hadda ka hor ayaa golahaas uu soo hadal qaaday in cadaadis la
saaro garabyada is haya oo laga xanibo lacagaha dibeda u taala
iyo iney dibeda safar u aadaan, laakiin hadda taas meesha waa ay
ka baxday kadib markii ay ku dhawaqeen kooxda Muqdisho iney
burburtay dowladii dib u heshiisiinta ee lagu soo dhisay Kenya.
Warka ka soo yeeray Qanyare iyo Suudi ayaa ah mid aad u culus oo
gebi ahaanba meesha ka saaray jiritaanka dowlad Soomaaliyeed.
Aduunku waxey aad ula socdaan awooda iyo miisaanka culaab ahaan
ay kooxda Muqdisho ku leeyihiin siyaasada Soomaalida. Waxaa
xaqiiqa haddii ay ku dhawaqeen kooxdaas iney dowladii dhacday,
dib u heshiisiintiina ay fashilantay iney tahay hubaal inuu
burburay wixii lagu soo dhisay Kenya ama ha noqoto gole
baarlamaan ama ha noqoto mid dowladeed. Waxaana suurtogal ah in
sidaas ay ku raacaan QM iyo Beesha Caalamka oo hadda xaqiiqsaday
in is qabsiga garabyada iska soo horjeeda uusan muuqan xal dhow
oo ay gaari karaan.
