Boqor
Buurmadoow oo cambaareeyay Garaad Saleebaan
Buluugleey July 4, 2005
Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buur-madow), oo ka mid ah
madax-dhaqameedyada ugu magacdheer gobolka waqooyi galbeed ayaa
si ba’an u cambaareeyey Garaad Saleebaan Garaad Maxamed. Wuxuuna
ku tilmaamay in Garaad Saleebaan yahay nin ka soo horjeeda
nabada ku wada noolaashaha, ahna colaad-ooge aan garanayn
milgaha xilkasnimo ee uu xambaarsan yahay.
Warkaan oo aan ka soo xiganay wargeyska Jamhuuriya ayaa
sheegaya in cambaaraynta Boqor Cismaan ay ka dhalatay markii la
sheegay in uu Garaad Saleebaan ku gacan-sayray ajande ku
saabsanaa mowqifka Isimmada Beesha Sool ay la tagi lahaayeen
kulan shalay loo ballansanaa in uu ka furmo degmada Yagoori ee
Gobolka Sool. Waxay kulankaas ku kulmi lahaa ergo isugu jirta
Suldaanno, aqoonyahano, iyo siyaasiyiin ka socda gobolka Waqooyi
galbeed, kuwaas oo muddo laba toddobaad ah Degmada Yagoori u
joogay sidii ay Isimmada Beesha Sool ula yeelan lahaayeen kulan
loogu gogol-xaarayo shir-nabadeed xal loogu raadinayo colaada ka
aloosan Gobolka Sool.
Baaqa
Boqor Cisman uguma horeynin dhaqdhaqaayada nabad raadinta ee ku
wajahan gobolkan oo in mudaba ay coaadu ka aloosneed. Waxaa
horey isku dayay cilumaa’udiinka, waxgarad ka socda labada
beelood ee ku dahaqan aaga ay colaadu ka jirto. Ilaa hadda wax
natiija ah kama aynan gaarin Maamulada isku haya oo horeyna
dagaalo ugu dhexmarey meelo ka tirsan gobolka Sool oo ay labada
maamul sida aadka ah ugu muransanyihiin gacan ku hayntiisa.
