Ganacsade
Abuukar Cadaani oo ay ka awood roonaan waayeen kadib dagaalkii
ay ku soo qadeen isbaheysiga dagaaloogayaasha Muqdisho.
Buluugleey,
March 28, 2006
Dagaal ka
socdey afar maalmood duleedka waqooyi bari Xamar oo ay soo
qadeen isbaheysiga la dagaalanka wadaadada oo horay loogu
yaqaanay dagaaloogayaasha Muqdisho, kaas oo ay ku soo qadeen
ganacsade Abuukar Cadaani ayaa ku dhamaaday guuldaro kadib
markii dagaaloogayaasha Muqdisho uu midba midka kale uu ka
shakiyey inuu dagaalka uga baxo, maleeshiyadiisana ay dhibaatada
xoogeedu ay ku dhacdo.
Dagaalkan kii
ka horeeyey oo ay isbaheysigaas ku soo qaadeen wadaadada degen
koofurta Muqdisho ayaa guuldaro isna ku dhamaaday kadib markii
la isaga kala baxay mudane Qanyare iyo wadaadada.
Dagaalka lagu
qaaday Abuukar Cadaani ayaa u muuqda mid loogu dan lahaa in
marka hore wadaadada waqooyiga Muqdisho loo taliyo. Isbaheysiga
oo ay u badan yihiin dagaaloogayaasha ka soo jeeda waqooyiga
Muqdisho ayuu Qanyare ka codsaday nimankaas haddii ay ka daacad
yihiin la dagaalanka wadaadada iney dagaalka ku bilaabaan
wadaadada awooda ku leh waqooyiga Muqdisho. Bashiir Raage oo
doonaya inuu arrintaas ka daweeyo mudane Qanyare ayaa bilaabay
dagaalka lagu qaaday Xaaji Abuukar Cadaani.
Sidoo kale
ayeey dagaaloogayaasha waqooyiga Muqdisho ay ku eedeeyeen
Ganacsade Abuukar Cadaani inuu isbaheysi qabiil la galay dadka
degen koofurta Muqdisho oo horay dagaal uu u dhexmaray dadka
degan waqooyiga Muqdisho. Qanyare oo ay arrintaas culaab ku
heysey ayaa codsaday in xiriirkaas la fashiliyo si aysan
waqooyiga iyo koofurta Xamar aysan u yeelan xiriir soo celiya
tolnimadii ka dhexeysey labada dadweyne.
Xoogii ay ku
duuli lahayeen dagaaloogayaasha waxaa kala daadiyey madaxda
dhaqanka oo u arkay dagaalka mid laga dhex qarxiyey laba nin oo
walaala ah, sidaasna waxaa isku tari waayey duulaankii kadib
markii maleeshiyooyinkii gurmadka ay reerahoodi kala wateen.
Ganacsade
Abuukar Cadaani oo ka xun dagaalka lagu soo qaaday iyo
dhibaatada loo geystey ayaa haddana wuxuu diyaar u yahay inuu
nabad la galo isbaheysiga dagaaloogayaasha Muqdisho si aysan u
sii socon dagaalka ka bilowday isaga iyo Bashiir Raage. Mudane
Cadaani ayaa aaminsan dhimashada iyo dhaawaca inuu yahay mid soo
gaaraya beesha ay kawada tirsan yihiin isaga iyo Bashiir Raage,
wixii gurmada oo ka yimaada Muuse Suudi iyo Maxamed Dheerena ay
weli sii kordhineyso qasaaraha maal iyo naf soo gaaraya
beeshooda. Wuxuuna xaajigu u arkaa xalka keliya oo jira inuu
yahay in la iska dabaqabto colaada dagaalka inta nin walba uu
hankiisa iyo muruqiisa uu u talin lahaa.
Dagaalka
Bashiir Raage iyo Abuukar Cadaani ayaa weji gabax ku noqday
dadka ka soo jeeda dagaanada Muqdisho, waxeyna ugu muuqatay
labada kooxood ee kala taageeraya labadaas nin kuwo ka baxay
mudnaanta ay u hayeen dadweynaha Muqdisho oo kala ahaa in
dagaaloogayaashu ay ka difaacaan Itoobiya iyo madaxda
Soomaaliyeed oo ay ku shaqeysaneyso, iyo in wadaadada ay
Muqdisho ka abuuraan xeer u kala garqaada dadka isku heysta
dacwadaha.
Wadamada
shisheeyaha ayaa ka muujiyey dagaalkaas mid u dhexeeya wadaado
xagjira iyo dhiigyacabyo qabqabla dagaala oo 15 sanno dadka
rayidkaa dhiigooda daadinayey. Waxeyna u arkaan laba kala daran
oo aan isdoorin. Awooda ay ku dagaalamayaan oo salka ku haysa
maamulka Muqdisho waxey ugu muuqataa inuusan midkoodna mudneyn.
