Caddow: "Ma jirto sabab uu Col. Cabdullaahi
Muqdisho ku diido”
Buluugleey
Luly, 10, 2005
Mudane
Cabdullaahi Axmed Caddow oo kamid ahaa siyaasiyiintii ka qeyb
gashay shirkii dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee lagu doortay
Dowladda KMG ayaa si weyn uga digay in dagaal lagu xaliyo
khilaafka u dhaxeeya qeybaha kala aragtida duwan ee ka tirsan
Dowladda Ku Meel Gaarka ah ee u madaxa ka yahay Col. Cabdullahi
Yusuf Axmed.
Mudane Cabdullahi Caddow oo u waramay wakaaladda wararka Reuters
ayaa si weyn uga hadlay muhimada ay nabadu u leedahay umada
Soomaaliyeed oo ilaa haatan aan weli helin qaran ka taliya dalka.
Dr. Cabdullahi Caddow ayaa ugu baaqay Col.
Cabdullaahi Yuusuf in uu xarun ka dhigto Muqdisho, isla markaan
ku haboontahay inuu wada hadal la yeesho Gollaha barlamaanka
Dowladiisa ee ay isagu fikirka isku khilaafsanyihiin. “
Ma jirto sabab uu Col. Cabdullaahi Yusuf Muqdisho uga
baaqdsado, cadowgiisa ma joogaan, Muqdishana waa magaala madaxda
Soomaaliya waxaana hubaa in shacabka Muqdisho diyaar u yihiin
nabad in lagu soo dabaalo dalka iyada oon qoriga loo adeegsanin”.
Dr. Cabdullahi Axmed Caddow oo ah mudane
si weyn dalka gudahiisa iyo dibadiisa looga yaqaan ayaa ahaa
mudanihii kaalinta 2aad ka galay tartankii Madaxtinimada
Soomaaliya mudadii doorashooyinkii shirarkii lagu qabtay Jabuuti
ee lagu soo doortay dowladii Carte iyo tii Keynya, Nayrobi.
Dr. Cabdullaahi Axmed Caddow oo ah nin
nabada jecel ayaa hadalladiisii waxaa ka mid ahaa "Hadii ay cidi
qori caaradii wax ku noqon karto, waxaa weli xukunka dalka
gacanta ku hayn lahaa rajiimkii hore".
Dr. Cabdullaahi Axmed Caddow oo ah siyaasi weyn oo horay u ahaan
jiray Safiirka Soomaaliya u fadhiyay Washington, marna noqday
wasiirka maaliyadda dowladii hore burburtay ayaa ka digay in
shacabka Soomaaliyeed xoog loo adeegsado. Wuxuuna yiri “waxay
Soomaalidu garowsatay in aaney cidna cid kale xoog ku muquunin
Karin” waxaana haboon buu yiri “wax kastana waxaa in wada hadal
lagu dhameeyo iyda on dhiig daadanin”.
Wareysiga Dr. Cabdullahi Axmed Cadow ayaa
ku soo beegmay xaalada adag ee haatan Soomaaliya ku sugantahay,
taas oo ah in aynan weli jirin dowlad Dhexe oo haatan
shaqeyneyso, waddankuna laga yaabo in mar kale dagaallo ka
qarxaan.
