Col. C\laahi Yusuf oo doonaya inuu dhiso
ciidan qaran oo heybtiisa ah iyo kooxaha dagaaloogayaasha
Muqdisho oo dhisaya maleeshiyooyin calooshooda u shaqeystayaal
ah
Buluugleey, April 16, 2006
Col. C\llahi, Shariif Xasan, iyo Prof.
Geedi ayaa dadaal adag ugu jira sidii ay lacag uga heli lahayeen
deeq bixiyeyaasha caalamka oo u badan Yurub si mid walba oo ka
mida uu uga helo saamigiisa. Dhinaca kale qabqablayaasha
dagaalka Muqdisho ayaa iyaguna dadaal ugu jira xiriiro qandaraas
oo ay la sameynayaan xoogag shisheeye si ay uga helaan dhaqaale
ay uga maarmaan ku xirnaanta dowlada Col. C\llahi Yusuf iyo
kaalmada laga sugayo beesha caalamka.
Shariifka ayaa doonaya in la maalgeliyo
Baydhabo oo uu doonayo inta ka dhiman wakhtiga ka haray xiliga
loo qabtay gudoomiyenimadiisa in dowlada ay ku dhameysato
joogitaanka Baydhabo. Isagoo arrintaas u arkaya mid fursad u
siin karta inuu doorashada labaad isku soo taago jago tan ka
culus. Dhinaca kalena doonaya kaalmada laga helo beesha caalamka
in xoogeedu uu ku baxo baydhabo oo uu ku leeyahay shirkado
ganacsi oo aad u xoogan.
Geedi ayaa doonaya inuu adkeysto xilkiisa,
waxaana marar badan saxaafada Gobolka Bari la soo geliyey in la
bedelayo oo dad ay isku heyb dhowyihiin lagu bedelayo, taas oo
looga jeedo inuu ka soo go’ siyaasada uu ugu lug xiran yahay
dagaaloogayaasha Muqdisho iyo in la geliyo dareen ah haddii
uusan sidan isku dhaamin in laga tashanayo. Geedi ayaa hadda u
muuqda inuu ku jiro marxalad adag, waayo ma ahan shaqsi laga
jecel yahay degaanka Muqdisho, sidoo kalana ma ahan mid laga
jecel yahay dhinaca kornrylka. Mar haddii ay kici weysey
dowladii loo xilsaaray inu socodsiiyo, khilaafna uu ka dhamaan
waayey isaga iyo madaxda kale ayey dad badan u arkaan nimaan
siyaasada ku sii jiri karin. Geedi ayaa la filayaa inuu ku fara
adeygo xilkiisa inta uu ka helayo saamiga uga soo aada lacagaha
dibeda laga rajeynayo, taas oo muujineysa in khilaafka
siyaasadeed ee u dhexeeya isaga iyo Shariifka iyo Col. C\laahi
uusan cadeyn. Wuxuuna meel marinta fikirkiisa uu la hoos galay
Itoobiya oo uu aaminsan yahay iney meesha keentay, iyadana uu u
joogo jagada ay u soo xilsaartay, taas oo Col. C\llahi gelisey
cadaadis looga horkeenayo inta raacsan Itoobiya.
Col. C\llahi ayaa taladiisu waxey ku aadan
tahay inuu dhiso ciidan qaran oo ka kooban maleeshiyooyinka ay
isku heybta yihiin oo uu ka soo uruuriyey gobolka Bari. Ujeedada
uu hadda xooga u saaray inuu saamigiisa ku maalgeliyo
ciidamadaas ayaa waxaa loo fasiray inuu damacsan yahay inuu
Baydhabo sannad kadib isaga guuro, inta sannadkaasna uu isku
diyaariyo sidii uu gacanta ugu dhigi lahaa magaalada Kismaayo,
taas oo uu doonayo xaruun rasmiya inuu uga dhigto dowladiisa.
Wuxuu Col. C\llahi aaminsan yahay haddii uu ku guuleysto gacan
qabashada Kismaayo inuu beelweyntiisa ku beerdulucsan karo in si
wada jira ay ula duulan si ay xoog ugu muquuniyaan nimankii
ridey dowladdii Siyad Barre. Waxaa la aaminsan yahay in Col. C\llahi
uu yahay nin ku shaqeeya qabyaalada oo ay wax walba kala weyn
tahay, sidaasna uu ku helayo beelo badan oo ay isku heyb dhow
yihiin oo hilow uu u hayo iney soo ceshedaan xukunka oo ay dib
ugu qabsadaan awood qabiil.
Dagaaloogayaasha Muqdisho oo dareensan hub
iyo ciidan urusiga Col. C\llahi ayaa bedeley xeeladoodii
siyaasadeed si ay u helaan hub, lacag iyo ciidanba. Waxey
abuurteen isbaheysi ay kula dagaalamayaan wadaadada, taas oo loo
fasiray iney hub uga helaan Yuuhuuda, Mareykanka iyo Itoobiya,
wadamadaas oo soo dhoweeyey dagaalka ay kula jiraan kooxdaas
dadka dembiilayaasha ah. Waxey dhowaan heleen lacago loogu tala
galay iney ku qortaan calooshooda u shaqeysteyaal ay ka soo
qortaan beelahooda, taas oo lagu qiyaasay in qofkiiba la siiyo
lacag dhan saddex boqol oo doolarka Mareykanaka, in kastoo
dagaaloogayaahu ay si hoose u gaareen in qofkiiba ay ku qortaan
boqol iyo konton doolar. Ujeedada ay u qoronayaan ciidankaas waa
ay ka weyn tahay iney Xamar la wareegaan gacan ku heyntiisa,
waxaana inta badan lagu macneeyey iney isku diyaarinayaan dagaal
dhexmara iyaga iyo Col. C\llahi si ay awooda dalka ugu kala
baxaan. Waxaa la xaqiijiyey in Itoobiya ay arrintaas ay ka
qaadaneyso doorkeeda iyada oo ka sii riixeysa Col. C\llahi
inuusan si buuxda u hanan madaxtinimada Soomaaliya oo dhan,
daneyneysana gobolada Soomaaliyeed iney kala qeybsanadaan. Waxaa
sidoo kale la xaqiijiyey in qolooyin shisheeya oo la shaqeynaya
Q.M ay doonayaan liis uu ku jiro Col. C\llahi oo loo heysto
dacwado xasuuqa iney daneynayaan inuusan helin madaxtinimo
fursad u siisa inuu caalamka soo dhexgalo taas oo wadamada reer
galbeedka madaxdooda ku noqoneysa wejigabax. Waxey sidoo kale
dagaaloogayaasha Muqdisho ay qandaraasyo la galeen xoogag
shisheeye oo ay ka amar qaadanayaan una fulinayaan go’aanadooda,
kuwaas oo loo arkay liisas loo soo dirayo dadkooda iney soo
qabtaan si maxkamad loo horgeeyo ama ay u soo dilaan dadkaas.
Waxey sida badan noqotay xeelad lagu
leynayo hogaamiyeyaasha dagaalka in iyaga dhexdooda dagaal la
isaga horkeeno, maxaa yeelay waxaa aad u adag in
hogaamiyeyaashaas la soo qabto oo mid walba uu ku dhex
dhuumanayo degaanka beeshiisa. Waxaa sidoo kale adag in dibeda
laga soo qabto, iyaga oo aysan socodkooda dibeda aysan sidaas u
badneyn ama marka ay soo baxaan oo ay ku hagoogan tahay dowlad
shishheye oo aan loo gacan dhaafi karin. Waxaa kaloo weli socda
is afgarasho iyo dadaalo lagu meel marinayo soo horkeenid
maxkamad caalamiya oo ku qaada dembiyada ay ka galeen meel ka
dhacyada ay u geysteen rayidka ay dagaalada ku xasuuqeen,
waxaana ilaa iyo hadda hortaagan dadaaladaas ay ka shaqeynayaan
ururo caalamiya wadamada dibeda ka taakuleynaya hogaamiyeyaasha
dagaalka, kuwaas oo aaminsan in sida keliya ee wax looga qaban
karo qabqablayaasha Soomaaliyeed iney tahay in lagu dilo dagaal,
maxkamadna aysan keeneyn xal maadaama hab beeleed la isku
xasuuqay, taasna ay tahay wax dhaqanka Soomaaliyeed weligeed ka
soo jirey.
Iska soo horjeedka ka jira madaxda dowlada
ay soo dhistay IGAD waa mid laga soo qorsheeyey dibeda.
Khilaafka nimankaas iyo kuwa Muqdisho ayaa danahoodu kala duwan
yahay. Shariifka iyo Geedi waxey dantoodu tahay waa iney helaan
dhaqaale, meesha Col. C\llahi iyo wasiiradiisa hubeysan ee
Muqdisho ay daneynayaan dagaal iyo guul ay ku hantaan awood
ciidan. Col. C\llahi ayaa qorsheynaya inuu awood ciidan ku
xukumo Muqdisho, meesha dagaaloogayaasha Muqdisho ay
qorsheynayaan in cudud ciidan ay ku ridaan dowlada Col. C\llahi
oo ay mariyaan jidkii uu maray Siyad Barre. Col. C\llahi oo
horay u soo ahaa dagaalooge dhiig Soomaaliyeed soo daadiyey iyo
dagaaloogayaasha Muqdisho oo soo xasuuqay rayidkii Muqdisho
midna taladiisu xal uma ahan shacabka Soomaaliyeed. Sidoo kale
hogaamiyeyaasha rayidka ah ee hadda saldhig ka dhigtay Baydhabo
oo dantooda saldhig uga dhigay damiir ku kooban xoolo doon,
qabyaalad wax ku qeybsi, musuqmaasuq, iyo dano gaara iyaguna ma
ahan kuwii dalka u horseedi lahaa dowlad caafimaad qabta oo
dadkeeda u keenta maamul ku dhisan cadaalad iyo aqoon. Xalka
keliya ee ummadda Soomaaliyeed u furan waa iyadoo dib uga shirta
sidii ay dalkeeda uga arrinsan lahayd iyadoo aan dibeda lagala
soo talineyn. Shir dibeda loogu soo dhisay dowlad ma keenayo xal
Soomaaliyeed, waxa keliya oo ay madaxdaas u adeegayaan waa
danaha shisheeyaha ee soo dhistay.
