Thomas Karajiske safiirka Mareykanka ayaa cambaareyn dusha kaga
tuurey dalka Yemen
Buluugleey December 23, 2005
Thomas Karajiske safiirka
Mareykanka u fadhiya magaalada Sanca ayaa waxa uu cambaareyn
dusha kaga tuuray falkii ciidamada amaanka Yemen ay kula kaceen
qaxootiga Soomaaliyeed oo dibedbax ka dhigayay xafiiska
Hay’ada Qaramada Midoobay (UNHCR) ee ku leedahay magaalada Sanca,
iagoo ka cabanayey nolo xumada iyo rafaadka ay ku noolyihiin.
Mudaaharaad soconayey ku dhawaad laba bilood ayaa
ciidamada yemen ku dileen 5 Qaxooti Soomaali ah waxayna u
geysteen dhaawac in ka badan 10 qofood.
Xukuumada dalka
Yeman ayaa ku yar qadarinta bani’aadanimada iyo u
gargaarka qaxootiga ku nool dalkooda. Kuma eka keliya dhibaatada
ay xukuumada yemen u geysanayaan umada Soomaaliyeed intaa keliya
ee waxaa u sii dheer in ay dalka Soomaaliya ku soo daad
gureeynayaan hub iyo saanad si ay u sii huriyaan colaadaha ka
oogan dalka Soomaaliya.
