Dagaal ba'an oo markale ka billowday degmada Ceelwaaq
Buluugleey Jun 11, 2005
Waxaa saaka aroornimadii abbaarihii 5tii subaxnimo dagaal
kharaari uu ka billowday degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo,
dagaalkaas oo ay soo qaadeen mid ka ah labada beelood ee isku
haya gacan ku haynta magaalada Ceelwaaq.
Dagaalkaas oo la isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan iyo
gawaarida dagaalka ee tiknikada loo yaqaan ayaa waxa uu weli ka
socdaa degmada gudaheeda, waxana tuulada Garsaal ee ku dhow
degmada Ceelwaaq laga maqlayaa daryaanka hubka waaweyn ee la
isugu adeegsanayo dagaalkaas.
Maadaama xilligan uu weli dagaalku socdo lama oga qasaaraha
dhabta ah ee uu dagaalkaas geystay, waana markii saddexaad ee
dagaal noocan oo kale ah uu ka qarxo degmada Ceelwaaq oo uu dhex
marolabada beelood ee degaankaasi deggan sanadkan gudihiisa.
Magaalada Beledxaawo ayaa iyana waxaa laga dareemayaa saakay
abaabul ku wajahan dagaalkaas iyo gurmadyo, waxana saakay xiran
dhammaan goobihii ganacsiga.
Ahmed Mohamed Aden (Ahmed Timajilic)
Beledxaawo - Somaliya
