Prof. Geedi
oo lagu amaray in ka
qeyb qaato cadaadiska lagu hayo Muqdisho lagana indho tiray
mucaaradka Bosasso iyo Hargeysa.
Buluugleey, May 22, 2006
Prof. Geedi ayaa u hanjebey
dagaaloogayaasha Muqdisho, kuwaas oo u abaabulan qaab koox
dambiyeed ah, kuwaas oo hadda qaab calooshooda u shaqeystanimo
ugu adeegaya dalal shisheeye iyo sirdoonka Mareykanka, Yuuhuda
iyo Itoobiya oo isku wada xiran.
Prof. Geedi oo ka turjumaya siyaasada ku
dhisan qabyaalada ee uu ku shaqeeyo ninka madaxda u ah oo ah
Col. C\llahi ayaa edeyn u soo jeediyey qabqablayaasha Muqdisho
dagaalka ka wada, isaga oo kaga aargoosanaya diidmada ay uga soo
cirdeeyeen dhulka degaankooda.
Eedeyntaas ayaa lagu fasiray mid ka
turjumeysa carada uu Col. C\llahi ka qaaday markii sirdoonka
Mareykanka ay nimankaas siiiyeen lacag badan oo ay ku howl
geliyeen dagaalka ay kula jiraan culumada Soomaaliyeed.
Dowlada Mareykanka ayaa dhinac martay Col.
C\llahi oo ay u arkaan dagaalooge soo daadiyey dhiiga dadkiisa,
danahii laga lahaana ay Itoobiya horay uga dhameysatay, sidaasna
lagu geliyey howlgabnimo.
Mareykanka ayaa sidaas oo kale hadda ugu
arka qabqablayaasha Muqdisho iney yihiin dhiigyacabyo aan lahyn
garasho dadnimo laakiin dantiisu ay maanta iyaga awoodooda ku
xiran tahay.
Dowlada Col. C\llahi waxaa Mucaarad ku ah
qowleysatada ka arrimisa gobolka Bari, gobolada waqooyi,
Muqdisho, Kismaayo, Baydhabo, Jowhar iyo shacab weynaha
Soomaaliyeed oo aan wax kalsooniya siin. Waxa ay cid walba
isweydiineysa sababta farta loogu fiiqayo mucaaradka Muqdisho,
indhahana looga qarsanayo inta kale.
Prof. Geedi ayaa loo arkaa mid
cadaadiskiisa ay lug weyn ku leedahay Itoobiya oo ay ka soo
horjeedan dhamaan hogaamiye kooxeedyada Muqdisho. Dowlada
Itoobiya ayaa fursad ka dhiganeysa dagaalka ka jira Muqdisho si
ay u tirtirto magaalo madaxtinimada Muqdisho iyo sharafka
siyaasiyiinteeda si aysan u helin garawsho iyo dhaqaale uga
yimaada dhanka caalamka.
Wuxuu Col. C\llahi is tusay in haddii xilka
laga qaado qabqablayaasha Muqdisho iney dhuminayaan awooda
dowladnimo oo ay kula xiriirayaan dibeda ayna halis u geli
karaan in lagu soo rogo cuno qabateyn la saaro hantidooda iyo
safarkooda. Sidoo kale wuxuu aaminsan yahay haddii ay dhacaan
nimankan in dadweynaha Muqdisho ay ku adkaaneyso inta ay soo
dhisanayaan hogaamiye kooxeedyo iska cabin kara inu xoog ku
muquuniyo.
Waxaan qarsooneyn in dowlada Itoobiya ay ku
cadaadineyso Bari iyo Waqooyi iney gooni uga istaagaan
jamhuuriyada Soomaalida. Dowlada Itoobiya waxey hadda wadaa
dadaal qarsoon oo ay dooneyso heshiis qarsoodiya oo ah in
waqooyiga Soomaaliya ay ku darsanto Itoobiya. Sidoo kale Gobolka
Bari wuxuu si dowladnimo madaxbanaan uu heshiis ula galay
shirkado shisheeye oo qodaya macdan ama ka kaluumeysanaya
xeebaha Soomaaliyeed oo dhan.
Dadka qaar ayaa qaba in Col. C\llahi ay ka
go’an tahay inuu dhinaca Dhaqaalaha kala dagaalamo dadweynaha
Muqdisho, taas oo uu ka xun yahay dhaqaalaha ka yimid Mareykanka
ee soo galay Muqdisho. Waxaa dhawaan la xaqiijiyey in Col. C\llahi
uu amaray in lacag been abuura la soo daabaco, taas oo loogu
tala galay in suuq weynaha Muqdisho ganacsigiisa lagu dumiyo.
Col. C\llahi ayaa isha ku haya dhaqdhaqaaqa
xoogan ee ka socda suuqa Bakaaraha iyo in dowlada ugu awooda
badan ee ka jirta Muqdisho ay gacanta ugu jirto nimanka
ganacsatadaa, kuwaas oo aan sinaba u dooneyn madaxtinimada Col.
C\llahi.
Eedeynta lagu daan daansanayo
qabqablayaasha dagaalka Muqdisho ayaa u muuqata mid uu Col. C\llahi
uga faa’ideysanayo dagaalkii siyaasadeed ee uu ku hayey
dadweynaha Muqdisho ee uu kala dagaalamayey dhinaca nabada iyo
dhaqaale uga yimaada caalamka.
Dowlada Col. C\llahi ayey ummadda
Soomaaliyeed ka rajo dhigtay kadib markii ay ka gaabisay iney
xoojiso nidaamka dib u heshiisiinta, si toosana ay uga amar
qaadato dowlada Itoobiya. Qabyaalada iyo musuqmaasuqa ayaa
noqday labada cadow ee uu cuskaday Col. C\llahi.
Dagaalka uu ku hayo Muqdisho ayaa
xambaarsan caadifad qabiil. Isaga oo aan awoodin inuu Bari iyo
Waqooyi ka socodsiiyo dowladiisa, ayuu haddana iska dhaadhiciyey
inuu dagaal siyaasadeed la galo Muqdisho kadib markii uu ku
guuldareystay inuu xoog ku muquuniyo mucaaradnimada ay kala soo
horjeedaan dadweynaha Muqdisho oo ay horboodayaan
dagaaloogayaalka isaga madaweynenimada u soo caleemo saartay.
Dowlada Col. C\llahi ayaa ah mid gebi
ahaanba u baahan iney garato in gabalkeeddi dhacay, ayna u
baahan tahay jiritaankeeda magac ahaan inuu meesha ka baxo
hadiiba ay ku guuldareysatay iney socodsiiso howlihii loo
xilsaaray. Dowlada oo dhan gebi ahaan waa in la rido, dadka
Soomaaliyeedna mar keliya loo daayo xalkeeda iney raadsato,
dagaaloogayaasha oo dhana ay banaanka ka istaagaan hadiiba la
doonayo in dowlad caafimaad qabta ay Soomaaliya yeelato.
Waxa ay in badan isweydiinayaan waxa ay
dejinayaan xubnaha baarlamaanka ku shiraya Baydhabo iyo cidda
talo ka yeeleysa oo ay u maqan yihiin, maxaayeelay dowladii ay
sharciga u dejinayeenba lama hayo oo waa waxaan jirin. Mar
haddii aysan jirin dowlad si barlamaan ku jiraa waa qalad ku
dhisan hanaan aan dheeli tirneyn. Sidaas daradeed meesha mataalo
go'aan ay ka gaaraan keenista ciidamo shisheeye iyo la
xisaabtamida dowlada.
