Malleeshiyada gobollada
bari laga soo ururiyay oo ay wehliyaan ciidamo Itoobiyaan ah
ayaa loo
diyaariyey inay ku duulaan magaalooyinka Baydhabo iyo Muqdhisho.
Ciidamadan ayaa tababar ugu dhamaaday balliga Abqaale oo 3km u
jira Degmada Xarfo oo ka tirsan Gobolka Mudug, una jirta 70km
Magaalada Gaalkacyo. Ciidamadaan ayaa waxaa hogaaminaya Cawil
Dhiig-sokeeye, Cabdirisaaq Afgaduud iyo Maxamed Aadan Bidaar.
Taas waxay mar kale cadaynaysaa sida Col. Cabdullahi Yusuf iyo
malleeshiyooyinkiisa ay u doonayaan inay colaad hor leh ka
bilaabaan dalka Soomaaliya, kadibna ay soo geliyaan
ciidamo Itoobiyaan ah oo u qabta magaalada Muqdisho.
Col. Cabdullahi Yusuf
wuxuu ku guul dareystay in uu kalsooni buuxda ka helo dadka
deggan koonfurta Soomaaliya, taasina waxay keentay inuu doorbido
inuu la yimaado siyaasad ku dhisan xoog ku maquunis. Taas oo ay
caadaatay kadib markuu ku gacan seeray shirkii lagu
dhex-dhexaadinyay isga iyo golaha baarlamaanka.
