Maxameded Cumar Xabeeb
iyo Col. Cabdullahi Yusuf oo isku khilaafay ciidanka la keenayo
Sh/Dhexe
Buluugleey July 11, 2005
Guddoomiyaha Guddiga Siyaasadda Gobolka Sh/Dhexe
Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed-dheere)
iyo Col. Cabdullahi Yusuf Axmed ayaa ku kala booday aragtida
ciidanka la keenayo magaalada Jowhar. Waxaa warar lagu
kalsoonyahay ay sheegayaan in kulankii Col. Cabdullahi Yuusuf
iyo Guddoomiyaha guddiga Siyaasadda Gobolka Sh/Dhexe Maxamed
Dheere ku dhexmaray magaalada Gaalkacyo uu ku dhamaaday is
afgarashawaa. Taasina waxay ka danbeysay markii uu mudane Maxmed
Dheere uu soo jeediyay in ciidanka uu Col. Cabdullahi Yusuf la
imaanayo magaalada Jowhar aynan tiradooda ka badan 200 oo ciidan
illaalo ah. Halka uu Col Cabduillahi Yusuf uu go’aansaday in
ciidan aad u tira badan oo ku filan la yimaado Gobolka Sh/Dhexe
kadibna ku weeraro magaala madaxda Muqdisho.
Ilaa hadda waxaa la xaqiijiyay in ciidan fara badan uu Col.
Cabdullahi weli ururintooda ku mashquulsanyahay iyaga oo wararka
qarkiis ay sheegayaan in ciidanka badankooda uu kala yimid
gobolka Waqooyi Bari, haatana uu ku hawsheeda wado ciidan kale
oo laga soo ururiyo magaalada Gaalgacyo oo haatan ku suganyahay.
Col. C/laahi Yuusuf ayaa doonayo inuu u kicitimo dhinaca
Xudur halkaas oo ugu diyaar ah ciidan kale
kaddibna soo aado magaalada Jowhar.
Arrintaas ayaa Guddoomiyaha guddiga Siyaasadda Gobolka Sh/Dhexe
Maxamed Cumar Xabeeb la yaab ku noqotay
wuxuuna xaqiiqsaday tirade ciidanka la socda Col. Cabdullahi
Yusuf in joogitaankooda qaadi Karin Gobolka Sh/Dhexe.
