Maxamed
Dheere Iyo Prof. Geedi Oo Dantu Biday Iney Beel Ahaan Fooda U
Geliyaan Khilaafka U Dheexeeya Garabyada Jowhar Iyo Muqdisho
Buluugleey,
November 11, 2005
Prof. Geedi
ayaa la gelin siiyey in qarraxyadii dhacay loola jeedey in isaga
lagu dilo, waxaana lagu abuuray uurkutaalo ah inuu cadowgiisu
yahay hoogamiye kooxeedyada Muqdisho. Isagoo arrintaas ka
duulaya ayuu warbaahinta dunida gaarsiiyey in lagu sameeyey isku
day dil aan lagu guuleysan, isaga oo tilmaamey in kooxda Muuse
Suudi iyo Qanyare ay ka dambeyeen shirqoolka lala damacsanaa in
lagu dilo.
Wuxuu sheegay
inuu Xamar u aadey inuu ka soo baaraan dego oo la falanqeeyo
fikirkooda hogaamiye kooxeedyada ay garabkoodu ku soo rogeen
xayiraada oo ay wax saameeyn ah ku yeelan weysey. Isagoo la
hadlaya warbaahinta wuxuu yiri waxaan ka qaadaya kooxdaas
tilaabo adag, isagoo cadeeyay inuu qaadayo talaabooyin culus oo
uu kaga jawaabayo dhacdadii lagula kacay iyo madaxtaaga ay gooni
isgu taagayaan Siyaasad ahaan kooxaha Muqdisho oo uu ku
tilmaamay aabayaalka abaabulka qaska siyaasadeed iyo midka
amaanka ee ka jira Soomaaliya . Isaga oo sii wata handadaadiisa
wuxuu intaasi ku daray inaanu dulqaad intaa ka badan sameyn
doonin, wixii hadda ka dambeeyna uu ka qaadayo kooxdaas
waajibaadka ay tahay in la marsiiyo, isagoo hadalkiisa ula jeeda
inuu xilka wasiirnimo ka qaadayo aduunkana ay ka codsanayaan in
laga qaado tilaabo lagu ceebeynayo kooxdaas.
Maxamed
Dheere oo aan ku farxin in Geedi Xamar laga soo cirdeeyo ayaa ku
dhawaaqay in ay beeshiisu ka aarsaneyso kooxda Muqdisho
dagaalkii ay kula kaceen Geedi oo soo kala firdhiyey
taageerayaashii garabka Jowhar ee Col. C/llahi. Maxamed Dheere
oo ku go’doomay Jowhar iyo siyaasada C/llahi Yusuf ayaa u muuqda
mid aan laga jecleyn siyaasadiisa Muqdisho iyo beesha uu ka soo
jeedo.
Waxaa la
xaqiijiyey in shir Maxamed Dheere uu ku dalbaday in beeshiisu ay
ka doodo waxa goor walba loo weeraro Geedi iyo waxa looga jeedo
ama ay macnaheedu tahay inuu qabsoomi waayey. Qaban qaabada
shirkaas ayaa laga sameeyey guriga mudane koogaar oo qasadka
laga damacsanaa uu ahaa in fowdo la abuuro si ay isugu dhacaan
beelaha dega Muqdisho.
Arintan
garabyada is heysta ayaa waxay ku soo aadey xilli beesha
caalamka, gaar ahaan Golaha Amaanka uu ka digay in labada dhinac
ee kala degan Jowhar iyo Muqdisho khilaafkooda oo xoogeystey
awgeed ay xal bidaan adeegsiga awood milatari oo ay ku
tilmaameen mid aan xal soo kordhineyn, waxayna carabka ku
dhifteen murugada xoogan oo ay ka qabaan dhaqdhaqaaqyada
milatari iyo hadalada coladeed ama cagajugleynta ay warbaahinta
isku dhaafsanayaan labadaas kooxood.
Ciilka heysta
Maxamed Dheere ay ah mid uu ka dambeeyo Col. C/llahi oo
ujeedadiisu ay tahay xoojinta dhacdooyinka sababi karta isku
dhaca beelaha Muqdisho. Maxamed dagaal qabiil kuma helayo xal uu
ku wayey walaaltinimo, mana ahan fikirka jowhar iyo waxqabad
la’aantooda in isaga keliya uu dusha saarto oo uu keligiis u
dagaalamo. Prof. Geedi kuma gaarayo xal dowlad aan jirin oo aan
lahayn aqoonsi caalamiya inuu haddana taas ku daro xil ka qaadid
iyo xil cusub magacaabid. Xalka uu ka wareeganayo wuxuu ku jiraa
inuu iska casilo xilka uu la dhacdhacayo marba haddii
dowladiisii ay shaqeyn weysey, ama waa inuu runta u soo laabto
oo dagaalka ka dhexeeya C/llahi Yusuf iyo hogaamiye kooxeedyada
muqdisho uu ka istaago meel dhexe, kana dhiibo garqaadasho
qaladaadkii uu horay ugu kacay si uu u helo fursad uu ku
dhexdhexaadin karo labada garab.
