Korneyl Cabdi Cawaale Qeybdiid oo
shir jaraa'id ku qabtay magaalada
Gothernburg ee dalka Sweden,
kadib markii lagu waayey wax denbi
ah
Buluugleey,
October 29, 2005
Korneyl
Cabdi Cawaale Qeybdiid ayaa maanta Garoonka Gothenburg shir
jaraa'id oo ay goobjoog ka ahaayeen idaacadaha, wargeysyada
caalamka ayaa sheegey in waxyabihii been-abuurka ahaa ee
lagu soo eedeeyey aynan waxba ka jirin. Korneylka oo ka
muuqatey degenaasho iyo isku kalsoonaan ayaa u sheegay
weriyeyaalka idaacadaha caalamka in ay edeyntaasi uu ka
danbeeyey Col. Cabdullahi Yuusuf Axmed.
Korneyl Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo mudo 4 maalmood ah lagu
hayey xarunta booliska Sweden ayaa siideyntiisa timid ka dib
markii maxkamad ku taala magaalada Gthernnburg ku waaysey haba
yaraatee wax denbi ah uu korneyku geystay.
Korneyl
Cabdi Cawaale Qeybdiid oo ah taliyaha ciidanka booliska
Soomaaliyeed ayaa afartii cisho ay inaga tegay waxaa soo
ifbaxday taagerada ballaaran uu korneylku ku leeyahay dalka
gudahiisa iyo dibadiisaba. Waxaa dunada oo dhami u muuqatay in
Korneyl Cawaale yahay siyaasi weyn ee sucad weyn ku leh bulshada
Soomaaliyeed ahna siyaasi miisaan culus. Waxaa naxdin ku noqotay markii uu
korneylka soo hor isytaagey idaacadaha la'iska arko ee caalamka
isagoo aan wax dhibaato ah jirkiisa ka muuqan. Waxay kaloo shir
jaraa'idkaas ku noqdey dhabarjab iyo
naxdin Col. Cabdulalhi Yusuf oo aan weli ka tanasulin
shirqoolka, dilka iyo xasilooni darada uu 30kii sanadood ka
wadey gudaha dalka Soomaaliya.
Arintani waxay kaloo banaanka soo dhigtey fadeexadii ugu weyneyd
ee uu Col Cabdullahi kala kulmo siyaasada Soomaaliya intii loo
doortay
madaxtinimada.
