Cisbitaalka Degamadda Afgooye oo dib u howl
galay muddo 10 sano ah ka dib
Buluugleey, August 19, 2005
Dadka degmadda Afgooye ayaa
dib u helay kaain weyn oo xagga Noloshooda ah mudo 10 sano ah ka
dib, markii uu dib u howl galay Cisbitaalkii degmadda Afgooye
oo lagu daweeyay bukaanadii ugu horeeyay ka dib dayactir
isbitalkaasi lagu sameeyay.
Iyada oo ay weli ku socto
qeybo ka mid ah isbitalka Degmada Afgooye howlaha lagu
dayactirayo ayaa waxaa bilowday haddana howlihii adeegyadda
caafimaad ee isbitalkaasi, iyadoo ilaa 7 ruux oo dhaawacooda
lagu sheegay rasaas durbadiiba la soo jiifiyay isbitalka sida
uu u xaqiijiyay shabakadda wararka Soomaalida ee Buluugleey
agaasimaha isbitalkaasi Dr, Sheekh Abuukar Sheekh Axmed Maskax.
Dib u furida isbitalka weyn ee
degmada Afgooye ayaa waxaa si weyn u soo dhaweeyay dadka ku
dhaqan degmooyinka Ow-dhegle iyo Afgooye ee Gobolka Shabeeladda
Hoose.
Dib u furista Cisbitaalka
Degmadda Afgooye ayaa sidoo waxay u noqon kartaa war wanaagsan
howlaha nabadeynta ee ay Muqdishu ka wadaan xubno ka tirsan
labadda Gole ee DFS ee Muqdishu jooga, waayo deegaanka Laanta
Buur oo aan sidaasi ugu fogeyn degmadda Afgooye ayaa waxaa ku
xareysan maleeshiyooyinka laga saaray Muqdishu ee mustaqbalka la
doonayo in ay wax ka qabtaan amaanka Muqdishu iyada oo imminka
adeeg caafimaad ay ka heli karaan Cisbitaalka Afgooye ee dib u
howl galay.
Isbitalka Degmada Afgooye oo
xirnaa in ka badan 10 sano ayaa dib u furidiisa waxa iska
kaashaday dadka degaanka iyo aqoonyahano ku dhaqan degmada
Afgooye.
Maxamed Amiin
Muqdisho