Col. Cabdullahi oo Dhaqan Xumo ku Haya
Hanaanka Dowlad Wanaaga
Buluugleey, Friday, September 30, 2005
Col. C/laahi
Yuusuf Axmed ayaa qoraal uu soo saaray xilka kaga qaaday
Gudoomiyaha Bangiga dhexe, iyadoo gudoomiyaha Bangiga dhexe shir
jaraa'id uu qabtey ku sheegay xil ka qaadistaasi iney tahay mid
aan sharciga raacsaneyn. Warka uu siiyey saxaafada xortaa
Gudoomiyaha Bankiga dhexe ee Soomaaliya Dr. Max'uud Maxamed
Culusow ayaa waxa uu ku sheegay in ay tahay xil ka qaadista lagu
sameeyey mid aan dastuurka raacsaneyn oo sharci darro ah.
Wuxuuna qoraalkaas ku tilmaamay mid ku dhisan awood ku tumasho,
waxa uuna xusay in uusan dhageysaneyn qoraalada nuucaas ah oo ku
saleysan kelitalisnimo, isagoo dadweynaha Soomaaliyeed iyo
caalamkuba u cadeeyey inuu wali isagu yahay Gudoomiyaha Banggiga
Dhexe ee Soomaaliya.
Wuxuu Dr. Culusow
cadeeyey in nidaamkii dib u heshiisiinta burburay kadib
markii xukuumadii Kenya lagu soo dhisay ay u kala jabtay garabyo
iska soo horjeeda. Waxa uu sheegay xilka Col. C/laahi Yuusuf uu
ka qaaday in aysan ansixin xataa garabka golahiisa wasiirada ah oo
ay aheyd buu yiri in la soo marsiiyo golaha wasiirada oo dhan
iyo baarlamaanka oo la hor keeno sababta keentay
xilkaqaadistiisa. Dr. Culusow Wuxuu talo u soo gudbiyey in Col. Cabdullahi iyo
garabkiisa Jowhar ku sugan ay u hogaansamaan sharciga lagu heshiiyay
iyo waxa uu ugu yeeray hanaanka dowlad wanaagga ah oo aysan
dhicin in awooda garab keliya sida uu doono u siticmaalo.
Sidoo kale, wuxuu cambaareeyey waxyaabaha dastuurka aan raacsaneyn ee
laablakaca loogu dhaqaaqayo, wuxuuna soo bandhigay in la hareer
marayo heshiiskii dib u heshiisiinta ee lagu gaaray wadanka
Kenya. Wuxuu gunaanadkii war saxaafadeedka uu ku soo
gabagabeeyey In Jowhar ragga jooga oo ay is ku heybta yihiin Col.
Cabdullahi sida C/Risaaq Xasan Juriile oo ah u qaabilsanaha
xaafiiska Prof. Geedi iyo Maxamed Ameeriko oo labaduba ay halkaasi ka
wadaan howshii ay ahayd inuu qabto gudoomiyaha Bangiga Dhexe.
Wuxuu Dr. Culusow soo bandhigay tilmaamaha awood urursiga ku dhisan, uuna
u sheegay madaxda garabka Jowhar su'aalaha uu ka keenay doorka
qaldan oo ay ragaas sida qarsoodida ah ay u qorsheynayaan
diyaarinta hanaanka miisaaniyada iyo soo dabacaada lacag Shillin
Soomaaliya iyada oo aan la ogeysiinin xildhibaanada, iyo
weliba iyadoo aan la
raacin sharciyada u degsan adduunka.
Waxaa kale
oo uu sheegay in si weyn uu uga hadlay inta murankaan uu soo
socdey xisaabaad laga furtey banggiyo shisheeye oo ay sameeyeen
qaar ka mid ah Garabka Col. Cabdullahi, waxa uuna sheegay in
taasi ay ka hor imaaneyso xeerka banggiga u qaabilsan
diwaangelinta xoolaha dadweynaha ee ku jira gacanta
dowladda. Waxa uuna marar badan ka codsaday in Col. C/laahi
Yuusuf uu joojiyo talaabooyinkaasi balse uu ka dhaga adeygay. Isagoo sheegay in ay xilkiisa muhim ku tahay in la
dhowro sharafta lacagta qaranka iyo amaankeeda. Waxa uuna ugu
dambeystii sheegay in arrimahaas muranka badan dhaliyey in ay
tahay kuwa ugu badan oo abuuray khilaafka u dhaxeeya isaga iyo Col.
Cabdullahi .
Banaanbax
weyn oo looga soo horjeedo Col. C/laahi Yuusuf iyo
taageerayaashiisa garabka Jowhar ayaa maanta ka dhacay magaalada
B/weyne
Buluugleey, Friday, September 30, 2005
Xarunta gobolka Hiiraan ayaa ka dhacay Banaanbax
weyn oo looga soo horjeedo Col. C/laahi Yuusuf iyo
taageerayaashiisa garabka Jowhar. Dadweyne aad u fara badan
ayaa maanta isugu soo baxay bartamaha magaalada B/weyne, kuwaasi
oo banaanbaxooda ku muujiyay sida ay uga soo horjeedaan xarigii
dhowaan loo geeystay Sarkaal lagu magacaabo Cali Shiino oo
xabsiga magaalada Jowhar ay ku xireen maamulka Col. Cabdullahi
ee ka jira Jowhar, dabadeedna ay si sharaf ka dhaca ugu soo
masaafuriyeen magaalada B/weyne.
Dadkaas
banaanbaxayey ayaa waxay ka soo horjeedeen xarigii sida sharci
darada ahayd loogu geeystay magaalada Jowhar. Sarkaalkaas ayaa waxa
uu ka mid ahaa saraakiil tababareysey maleeshiyooyinka ka yimid
gobolka Bari kuna jira xerada Kongo ee ku taallo duleedka magaalada
Jowhar. Dadweynaha isugu soo baxay mudaharaadka ayaa intooda
badan waxay si weyn uga careysnayeen talaabada uu maamulka
Max'ed Dheere ka qaaday sarkaalkaas, iyagoo ku eedeyey garabka
Jowhar ee Col. Cabdullahi in arrintaasi ay ka aamusatay oo aysan
waxba ka qaban.
Gobolka
Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa ka taliya Maxamed Dheere. Jowhar oo xaruun u ah
garabka taabacsan Co. Cabdullahi Yusuf hoosyimaadana maamulka
Maxamed Dheere ayaa ku dhici waayey iney u abuuraan maamul
sharciya oo ka gacan banaan dagaaloogaha xukun marooqsiga ku
haysta gobolka Shabeelada Dhexe.
Maamulkaas
waxey ceebo badan ay ka soo gaartey heyadaha caalamka, dad badan
oo fikrad ahaan raacsan Col. Cabdullahi haddi
uusan waxba ka qaban karin xadgudubyada ka soo gufaacanaya
maamulka Shabeelada Dhexe. Waa maxay macnaha ay sameyn karto digdigta uu ku
hayo dagaaloogayaasha Muqdisho? Maalinba maalinta ka dambeysa
waxaa sii kala daadanaya macno darrada ay ku heshiiyeen garabka
dowlada KMG ee ku sugan magaalada
Jowhar oo awoodoodii oo dhan ay hoos tagtay dagaaloogaha ka
taliya gobolka Shabeellada Dhexe.
Dadka
Soomaaliyeed waxaa maalinba maalinta ka dambeysa u soo iftiimaya
dhagarta ay ku heshiiyeen garabka Col. Cabdullahi Yusuf ee
xaruuntoodu tahay degmada Jowhar oo caadeystey ku tumashada
xuquuqda dadka Soomaaliyeed iyo hayadaha caalamka ee u qaabilsan
gargaarka ee xurmada mudan. Kuwa ku sugan magaalda Jowhar oo
markii horey mooday
ubaxa uu Col. Cabdullahi dhidibada u aasayo mid dhab ah, balse
ay maana ogaadeen in uu yahay mid ku dhisan dhagar iyo khiyaamo
lagu hagardaminayo jiritaanka umadda Soomaaliyeed.
