Maxamed
Dheere oo siyaasadiisu ay ku cuslaatay siyaasiyiinta Bari ee
taageersan Col. C/llahi Yusuf
Buluugleey,
February 1, 2006
Col. C/llahi
Yusuf ayaa qorshaha uu xaruunta uga dhigtay Jowhar waxey ahayd
inuu adeegsado xooga ciidan ee uu leeyahay gudoomiye Maxamed
Dheere si uu dagaal ugu qaado beelaha degan koofurta Muqdisho,
kuwaas oo aan aqoonsaneyn madaxtinimada C/llahi Yusuf.
Marar badan
ayaa la qorsheeyey dulaan iyo abaabul dagaal haddana ma dhicin.
Maxamed Dheere ayaa gulfka laga filayey bedelkiisa wuxuu
bilaabay siyaasad dib u heshiisiineed iyo nabadeyn, taasna waxey
keentay ismaandhaaf dhexmaray isaga iyo ujeedada C/llahi Yusuf.
Maxamed
Dheere oo daacadnimo wax badan kula shaqeeyey taageerayaasha C/llahi
Yusuf ayaa wax badan ka ogaadey siyaasadaha hoose oo ay beel
ahaan ku dhaqmayaan. Waxaa Maxamed Dheere u cadaatay waxyaabaha
C/llahi uu ku diidan yahay Muqdisho, kuna baadi goobayo Kismaayo,
Baydhabo iyo Bossaso.
Garashada
Maxamed Dheere ayaa salka ku heysa in C/llahi uu ka shaqeeyey
wax kasta oo iska horkeeni kara beelaha wada degen Muqdisho iyo
inaan xoolo dowladeed aan la dhexgeyn dadka reer Muqdisho si
dhaqaalahaas intiisa badan aysan uga nafcin.
Maxamed
Dheere iyo dadka degan Jowhar ayaa malaayiin doolar waxey qaan
ahaan uga baxday qarashyada faraha badan oo ay ku dowladeynayeen
siyaasiyiinta taageersan Col. C/llahi. Dadka rayidka ah oo aan
weli helin qaantii ay ku sheeganayeen kooxda taageersan C/llahi
Yusuf ayaa waxaa bilowday in siyaasiyiintaas ay u guurayaan
xaruunta cusub oo ah magaalada Baydhabo.
Dowlada
Itoobiya oo soo jeedisey in C/llahi uu isaga guuro Jowhar ayaa
marar badan madax salaax iyo hubsiin ku heysey Maxamed Dheere.
Sidoo kale waxaa Magaalada Jowhar lagu reebay siyaasiyeen ka soo
jeeda Bari oo loogu tala galay iney hoos u dhigaan heerka
dareenka kacsan ee madaxda iyo dadka Jowhar, kuwaas oo mararka
qaar muujinaya ineysan raacsaneyn C/llahi inkasta oo ay iska
cadahay iney hoos kawada socdaan oo dhegahoodu isku xiran yihiin.
Dowlada
Itoobiya ayaa aaminsan in haddii dowladu degto magaalada
Muqdisho ama Shabeelooyinka aysan u soortogeleyn iney ciidamo
halkaas geyso, maxaayeelay dadka ka soo jeeda degaankaas oo u
heysta Itoobiya iney tahay cadowga Soomaalida, sidaasna aysan
uga heleyn taageero, lagana yaabo iney kala horyimaadaan dagaalo.
waxeyna qabtaa Itoobiya inay ciidamadoodu ay gacanta ku hayaan
dowladda C/llahi Yusuf inta ay ka xoogeysaneyso, waxeyna kula
taliyeen in magaalooyinka u dhow xuduuda uu ka dhigto xaruun ku
meel gaara.
Maxamed
Dheere ayaa dadaalada taagerayaasha C/llahi aan u hayn wax
niyada, tilaabana doonaya inuu ka qaado hantida ka maqan dadka
uu gudoomiyaha u yahay, waxaana suurtogal ah inuu ka codsado
Beesha Caalamka ineysan bixin wax lacaga oo la siinayo xubnaha
baarlamaanka iyo kuwa dowlada inta laga bixinayo qaanta lagu
leeyahay dowlada C/llahi. Waxaa sidoo kale suurtogal ah inuu ku
soo biro hogaamiyeyaasha Muqdisho oo uu si dhaso leh u abuuro
isbaheysi hubeysan oo ka soo horjeeda isbaheysiga cusub ee
Baydhabo.
