Soomaaliya
oo mar kale dagaal sokeeye qarka u saran
Buluugleey
Julay 29, 2005
Col.
Cabdullahi Yusuf ayaa la saadaalinaya inuu ku qancinayo
dagaaloogaha Jowhar degen inuu isku diyaariyo inuu dagaal ku
qaado Muqdisho. Qorshahaas ayaa u muuqata in maleeshiyooyinka
dagaalka USC ee jooga Xamar lagu mashquuliyo iska caabinta
dagaaloogaha Jowhar. Halka Col. Cabdullahi Yusuf ay u
qorsheysan tahay inuu maleeshiyadiisa uu kala yimid gobolka Bari
uu dagaal ku qabsado Baydhabo. Tilaabada xigta wuxuu col.
Cabdullahi damacsan yahay inuu ku qanciyo dadka reer Gedo
in ay dhinac ka soo racaan duulaanka ballaaran uu ku soo qaadayo
koonfurta Muqdisho.
Dhanka kale
nimanka ka taliya Muqdisho ayaa iyaguna isku diyaarinaya iney
dib u soo abaabulaan maleeshiyooyinka beelaha USC. Waxayna
bartilmaameed ka dhigan doonaan gobolka Bari iyo xaruumaha kaloo
laga soo abaabulayo duulaanka ballaaran ee lagu soo qaadayo
Gobolka Banadir..
Dowlada
Itoobiya oo aan awoodi karin iney ciidamo ay leedahay ka
dagaalamaan gudaha Soomaaliya ayaa hub iyo tababar ku dhiiri
gelineysa Col. Cabdullahi Yusuf inuu dagaal la galo Soomaalida
degan gobollada Dhexe ilaa Koofurta ilaa gobolka Banadir.
Waxeyna rajo ahaan ku qancineysaa in haddii Col. Cabdullahi
Yusuf uu ku guuldareysto duulaanka Xamar ay hubaal u tahay gacan
ku heynta gobolada Jubooyinka oo ah xeelada ugu muhiimsan eek u
taamayaan reer Bariga.
Isbaheysiyada
dagaalka ee qaabka ceynkaas ah ku dhisma ayaa inta badan salka
ku haya isqiyaameyn qarsoon oo degaan iyo awoodba si dadban
loogu heshiinayo. Gaarista ujeedada dagaalka ka dibna waxaa
dhaci karta in uu burbur ku yimaado isbaheysiyadaas, kadib marka
ay soo baxdo isbedelo siyaasadeed oo salka ku haya balanfuryadii
axdiyadii hore. Waxaa la xiiseyn doonaa balamo cusub oo ka
abuurma dagaal, markaasna waxaa dhici doonta in ay markale isku
biiraan kooxo horey isku maandhaafsanaa.
Waxaa kaloo
jira waddamada daneeya arrimaha Soomaalida ayaa ku qanacsan
inaan la sameyn dib-u-heshiisiin dhabah, sidaas daradeedna loo
baahan yahay in dib loo abaabulo shir dib-u-heshiisiin oo aysan
lug ku lahayn dowladaha IGAD. Wadamada deeqda bixiya ayaa
iyaguna saluugsan habka ama qaabka ay dowlada uu horboodayo Col.
Cabdullahi Yusuf ee ku dooneayo in uu ku helo dhaqaale deg-deg
ah. Dhaqaalahaas deeqda lagu helo ayaa loo micneystay in uu ku
dhisanayo ciidamo beeleed oo uu doonayo in ummadda Somaaliyeed fikirkooda
xorta ah lagu caburiyo. Waxey sidoo kale deeq bixiyeyaashu ay
walaac ka muujiyeen doorka dowlada Itobiya oo u muuqata in ay
deeqda la siiyo dowladaas ay ku damacsan tahay iney hub uga
bedelato. Taasna waxey dhalatay kadib meeshii laga filayey in la
maalgeliyo dib-u-heshiisiin in Col. Cabdullahi Yusuf uu bilaabay
qoris ciidamo qabiil oo aan la isku raacin waqtigan in la gudo
galo.
Wararka ka
imaanaya dalalka dibeda ayaa xaqiijinaya ineysan diyaar u ahayn
iney taageero dhaqaale iyo mid diblomaasiyadeed siiyaan Col.
Cabdullahi Yusuf. Waxaana loo arkaa mudadan la joogo inuusan
ahayn qof u bisil dib-u-heshiisiinta ummadda iyo dhisma dowlad
Soomaaliyeed oo ka madaxbanaan wadamada deriska. Waxaa aad loo
saadaalinayaa in haddii la waayo lacagta loo qoray ciidamada
qaabka beelaha lagu soo uruuriyey ay jahwareer hor leh ku keeni
doonto siyaasada iyo amaanka gobolka uu ka soo jeedo Col.
Cabdullahi Yusuf, islamarkasna waxay sababi doontaa dagaal
sokeeye ee markale dalka Soomaaliya ka qarxo.
editor@buluugleey.com
